XOG: Xildhibaanno careysan oo buux dhaafiyay xafiiska Ilka-Xanaf iyo shakigii jiray oo soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa sheegaya in Xafiiska Gudoomiyaha ay gaaren Xildhibaano careysan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka, gaar ahaan garabka Mooshinka wada.

Xildhibaanadaani oo ku jahwareersan dib u dhacyada ku imaanaya Mooshinka ayaa waxa ay Gudoomiyahu Su’aalo ka weydiiyeen kaalinta uu ku leeyahay dib u dhaca lagu sameynaayo Mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Xildhibaanadaani ayaa Ilka xanaf ka dhageystay warbixin, waxa uuna Ilka xanaf iska fogeeyay inuu garab boodaayo Siyaasadaha lagu hakinaayo Mooshinka.

Xildhibaanada ayaa ku gacanseeray Siyaasada cusub ee uu la dheelaayo Ceydiid Ilka xanaf, waxa uuna Ceydiid isku dayayaa in Xildhibaanada uu u muujiyo inuusan wax lug ah ku laheyn dib u dhacyada ku imaanayo Mooshinka waana tan keentay in buuq iyo sawaxan uu ka dhex dhaco Xafiiska Gudoomiyaha.

Ceydiid ayaa qiray in cilada ugu weyn ay ka taagan tahay dhanka Madaxtooyada iyo Gudoonka sare ee Baarlamaanka oo uu sheegay inay ka caga jiidayaan inay usoo gudbiyaan Mooshinka sidaa awgeed uu iska diiday inuu ka garabqaato Mooshinka.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaan iyagu aaminsaneyn in Ceydiid Ilka xanaf uu yahay shaqsi ka maran Mooshinka, inkastoo uu iska fogeeyay hadana Mooshin wadayaashu waxa ay qabaan in Ceydiid uu kaalinta koowaad kaga jiro shaqsiyaadka loo adeegsanaayo fashilinta Mooshinka.

Geesta kale, kulanka Ceydiid iyo Xildhibaanada ayaa kusoo dhamaaday buuq kadib markii Xildhibaanadu ay ka dhaadhici weysay in ilka xanaf uusan lug ku laheyn fashilinta Mooshinka iyo inaan weli loo soo gudbin Mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com