Xog: CCC oo wasiirada amray qorshe cusub oo lagu fashilinayo mooshinka ka dhanka ah Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa xubnaha Golaha wasiirada ee xukuumadiisa amar ku siiyay in wasiir waliba uu kalsoonida xildhibaanada beeshiisa, isla markaana ka saaro xildhibaanada saxiixay Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.

Wuxuu si cad ugu sheegay in wasiirkii ku guuleysan waaya arrintan uu ku bixi doono isku shaandheynta lagu sameyn doono golaha wasiirada marka la fashiliyo mooshinka madaxweynaha kadib.

Amarka culus ee Ra’iisal wasaaraha ayaa ka mida qorshe madaxweynaha iyo tageerayaashiisa ku doonayaan inay meesha uga saaraan mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dhinaca kale uu socdo qorshe beelaha Hawiye xildhibaanadooda looga saarayo mooshinkaasi.

Wasiirkii ugu horeeyay ee ku guuleystay arrintan wuxuu noqday wasiirka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Federaalka Guuleed Xuseen Qaasim oo xildhibaanada Beeshiisa ka saaray saxiixayaasha mooshinka madaxweynaha kadib kulamo is dabajooga oo uu la yeeshay xildhibaanadaasi.

Waxaa socda shirar is dabajooga oo xubnaha golaha wasiirada ugu xusul duubayaan si ay kalsooni uga helaan xildhibaanadooda, iyadoo Ra’iisal wasaaruhu markaas ka hor kulamo la yeeshay xildhibaanada Mooshinka wada oo ka dalbaday in lagu soo daro Golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com