Baarlamanka HirShabelle oo codka kalsoonida u qaaday golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in Xildhibaanada maamulka ay codka kalsoonida u qaaden Golaha Wasiirada cusub ee uu yeelanaayo maamulka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada ay codka kalsoonida ah siiyeen Wasiirada maamulka ee uu dhawaan soo dhisay Hogaamiyaha maamulka Waare.

Xildhibaanada oo shalay kulankooda uu u baaqday kooram la’aan ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meelmariyey golaha wasiirada Hirshabelle.

Xildhibaanada xaadirtay kulanka ayaa dhamaa 79 mudane, waxaa aqbalay xukuumadda cusub 77, Halka 2 ay ka aamustay, waxaana sidaasi ku meelmaray wasiiradan.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle, Sheekh Cismaan Barre, oo kulankaan shir gudoominayey ayaa sheegay in wasiirada Hirshabelle ansax yihiin, iyadoona la dhaarin doono maalmaha nagu soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalmahaani jiray murano ka dhashay hanaanka loo maray qeybinta Kuraasta Wasiirada maamulka, waxaana murankaasi la xaliyay maalin ka hor inta aan la meelmarin Golaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com