Sawiro: Guddoomiye Thaabit oo shaaciyay in la qaban doono Shirweynaha Nabadeynta iyo Horumarinta Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in horaanta sanadka soo socda lagu qaban doono magaalada Muqdisho Shirka Wada Tashiga Nabadeenta iyo Hormarinta Gobolka Benaadir

Warkan ayuu ka sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir xilli uu qudbad ka jeedinayay shir ka furmay degmada Kaxda kaasoo ku saabsan Barnaamijka Deresenta iyo Amniga.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dhagax dhigay Saldhiga Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, iyadoo shacabka ku dhaqan degmada ay soo dhaweeyeen Saldhigan oo waxyaabo badan ka tari doono amniga.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa ugu Baaqay Bulshada Kunool Degmada Kaxda in ay ka shaqeeyaan is Dhaxgalka Bulshada iyo Amniga.

Halkaan hoose ka dhageyso codka Guddoomiyaha