Xog: CC Shakuur oo aan maanta iska xaadirin doonin Maxkamadda Racfaanka

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Bnaaadir ayaa soo saartay amar dib loogu furaayo kiiska dacwadii loo heystay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, waxaana qaraarkii ay Maxkamadda gaartay uu rafcaan ka qaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Dhageysiga dacwada ayaa lagu ballamay inay furmi doonto manta isla markaana u dhaxeyn doonto kaliya Qareenada u doodaya C/raxmaan C/shakuur iyo Xafiiska Xeer ilaalinta, iyadoo dhageysiga iyo dooda dacwada ay noqon doonto mid xiran oo aan dadweynaha goobjoog ka noqon doonin.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in maanta oo arbaco ah aanu maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir tagi doonin C/raxmaan Cabdi Shakuur oo dib loogu yeeray.

Ilo ku dhow dhow C/raxmaan C/shakuur ayaa inoo xaqiijiyay inuusan aadi doonin Maxkamada, waxa ayna sidoo kale shaki galiyeen xitaa inay aadi doonaan qareennada C/raxmaan.

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in maanta dib loo furi doono dhageysiga dacwad loo haysto C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Waxaan la ogeyn sababta uu C/raxmaan C/shakuur uga baaqsan doono Maxkamada, inkastoo ay jiraan dhaliilo laga muujinaayo dib usoo nooleynta kiiskan xirmay.

Dhinaca kale, C/raxmaan C/shakuur ayaa weli aaminsan inuu khalad yahay in lagu xadgudbo qof aan weli loo heyn cadeymo lagu kalsoon yahay waxa uuna ku goodiyay in Maxkamada uu la fuuli doono Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com