Somaliland oo si ay ku jirto ganbasho uga hadashay Hanjabaadii kasoo yeertay Xuutiyiinta

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay Hanjabaado kasoo yeeray Xuutiyiinta Yemen.

Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu arrinkaa ka bixin doono Jawaab hadal ama ficil ah, balse waxa uu tilmaamay inaanu weli soo gaarin qoraal kaga imaaday Xuutiyiinta marka laga soot ago Muuqaalada iyo Qoraalada lagu baahiyay baraha bulshada.

Waxa uu Sacad Cali Shire sheegay in xiligii uu dhacaayay heshiiska Imaaraadka lagu siiyay Saldhiga Berbera ay Somaliland kusii tashatay wanaag iyo xumaan kaga imaada dhanka Xuutiyiinta balse ay qaadan doonaan go’aan ku haboon Hanjabaada.

Waxa uu Wasiirka ku celcelshay inay jawaabi doonaan hadii Xuutiyiinta ay u soo diraan war rasmi ah oo aan lasoo marin Saxaafada, maadaama aysan khiimeynkarin wararka lagu qoray warbaahinta.

Sacad Cali Shire, waxa uu tilmaamay in Heshiiska Berbera uu soo maray marxalado kala duwan waxa uuna tusaale usoo qaatay inay ansixiyeen labada Gole xitaa uu ka dhashay muranbadan oo sababay in lagu xiro Xildhibaano.

Muuqaal dhawaan lagu baahiyay Baraha Bulshadda ayaa lagu soo bandhigay Muuqaal ay soo duubeen niman carab ah oo la sheegay in ay yihiin Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen, kuwaa oo fariintooda muuqaalka ah ku sheegay inay gantaalo ku garaaci doonaan magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay in ay ka caroodeen saldhigga dowladda Imaaraadka ay ka furaneyso Magaalada Berbera ee Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com