Baarlamaanka Puntland oo qaaday tallaabo la xiriirta ‘wax ka bedelka dastuurka’

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta magacaabay guddi gaar ah oo ka soo tala bixiya wax ka beddelka uu maamulka Saciid Deni qorsheynayo inuu ku sameeyo Dastuurka Puntland.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa timid kadib markii ay shalay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Puntland in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, gaar ahaan qoddobka xisbiyada siyaasadda maamulkaasi, islamarkaana laga dhigo shan xisbi, halka ay awal aheyd saddex xisbi.

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in guddigan cusub uu magacaabay kadib markii madaxweyne Deni uu usoo gudbiyay soo jeedinta ku saabsan in dastuurka wax laga beddelo.

Guddigan ayaa waxa guddoomiye u ah xildhibaan Sharmarke Cali Cilmi, sida ku cad warqadda magacaabista ee kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Xubnaha guddigaan ayaa waxay fallanqeyn ku sameyn doonaan wax ka beddelka dastuurka Puntland ee soo jeedisay xukuumadda, iyaga oo markaas kadib warbixintooda usoo gudbin doona golaha.

Guddiga uu Baarlamaanka u saaray wax beddelka dastuurka, ayaa waxay kala yihiin;

1. Xil. Sharmarke Cali Cilmi ( Guddoomiye)

2. Xil. Maxamed Cabdi Faarax ( Xubin)

3. Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( Xubin)

4. Xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil (Xubin)

5. Xil. Maxamed Cabdi Warsame (Xubin)

Sidoo kale guddigaan ayaa waxaa kaalinaya agaasimaha xeerarka iyo xeer-dejinta baarlamanka iyo agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee baarlamanka.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, iyada oo la fahamsan yahay in magacaabista guddiga uu gadaal ka riixayo Deni, si uu baarlamaankana u meel-mariyo in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.