Cali Yare: FARMAAJO waxaa fashiliyay saaxiibadeen Khawaarijta Siyaasadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa bilaabay qormooyin taxane ah oo uga hadlayo guul-daradii kooxda uu ka tirsan yahay ee madaxweyne Farmaajo kasoo gaartay doorashadii 2022-ka.

Cali Yare oo baahiyay hordhaca qormada ee taxanihiisan ayaa waxa uu ku shaaciyay in fashilkii doorashadii looga adkaaday madaxweyne Farmaajo ay lahaayeen koox qeyb ka aheyd laba koox oo si toos ah u hoostagayay madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kooxdan ayuu sheegay inay kusoo biireen kooxda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo 2015-kii, illaa maanta ay qeyb ka yihiin, balse ay ku kala aragti duwan yihiin hab maamulka, qoladan ayuu ku sheegay inay u yaqaaneen Khawaariijta Siyaasadda, maadama uu xusay inay ahaayeen koox mayl adag oo “shaqsiga ay ku dayanayaan ka dhiganayeen Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye Abu Cubeyda,” sida uu ku sheegay qormadiisa.

“Meelaha lagu kala fogaa waxaa ugu weynaa, innaga oo u arkeeynay in dalka iyo dadka la maamulayo ay soomaali yihiin, dadkuna aanay weli dib-uheshiis rasmi dhexmarin, magaalada la joogo ay magaalo halis ah tahay oo dowladaha lagu dubto , sidaas daraadeedna xikmad wax lagu wado.”

“Halka saaxiibadeenna kale ee KHAWAARIJTA SIYAASADDU ay iyagu had iyo goor role model iyo shaqsiga ay ku dayanayaan ka dhiganayeen Ahmed Abdi Godane iyo Ahmed Dirie Abu Cubeyda, oo doodaha dhexdeenna ah ayayba ka dhici jirtay, iyaga oo leh, Abu Cubeyda ma laandheere-nimo ayuu wax ku maamulaa? oo mararka qaar ineey nagu dayaan waaba iska jeclaan lahaayeen, nasiib wanaag maynaan aheyn rag jiljeleecaas loola imaan karay, oo waxaan aheyn rag aasaasayaal ah, isku kalsoon, hoggaamiyahoodana ku kalsoon, iyagana u arka niman aan cadow iheyn ee TAKFIIR SIYAASADEED UU AH.”

Cali Yare ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kooxdan qeybta ka aheyd ee uu sheegay inay dhaawac weyn gaarsiiyeen sumcadii madaxweynihii hore, in wali isku dhufeys ku wada jiraan, oo ay hal hoggaamiye wada leeyihiin oo ah Farmaajo, “hadana waa koox TAKFIIR SIYAASADEED AH oo Soomaalida oo dhan u wada careeysan, iyagana loo wada careeysan yahay, balse nasiib darro uu hardanka labada caro ee isku dhiig-bixi doonta uu ku dhiman doono hoggaamiye Farmaajo.”

Hoos ka aqriso qormada Cali Yare oo dhameystiran:

ARAR: Maadaama marka Madaxweyne Farmaajo laga reebo aan ahay qof kamid ah, labada ruux ee maanta nool oo muddo hadda laga joogo 14 Sanadood halganka siyaasadeed la soo billaabay hoggaamiyaha Nabad iyo Nolol Farmaajo, ee aan marnaba dhinac uga leexan ka mirrodhalinta himilladiisii hoggaaminta dalka, weli sidii ugu dhaggan mabda’iisa, kuna sii dhagganaan doona Insha Allah.

Sidoo kale, aanu jirin wax khilaaf ah ama kala fikir duwanaansha ah oo innaba hala ekeeto’e xisbiga dhexdiisa ka jira, marka laga reebo qaabka gaarista hiigsiga la tiigsanayo oo sida dabiiciga ah qofba qaab u arki karo, hadana, waxaan u arkay ineey lagama maarmaan tahay, in si dhab ah loogu waramo bulshadii iyo Jamaahiirtii nadhinac taagneeyd xilligaas dheer ee nala soo jamhadeeysay, wax xog ahna aan ka heysan wixii la soo maray iyo waxa socda.

Qoraalkeyga oo taxane noqon doono, kuma xusi doono magacyada shaqsiyaad IWM, waanse idiin iftiimin doonaa.

SABABTA QORAALKA:

Waxaa in muddo ah la i waydiinayay, su’aal la xariirta sida bulshadii Madaxweyne Farmaajo taageerada xaddhaafka u heysay ay qaarkood muddo gaaban oo sannad ka yar ugu qaadeen cadaawad fog iyo sababihii keenay.

IFTIIMINTA KOOXDII HOGGAAMIYAHA FASHILISAY

Waxaa jirtay Koox nagu soo biirtay goor dhexe oo ah sannadkii 2015, waxay ahaayeen koox markii hore (3) saddex qof oo kali ah ka koobneeyd, markii danbana ilaa (9) sagaal qof gaartay, dhisme ahaanna iskugu xirneeyd qaab-dhismeedka islaamiyiinta oo ah, AMIIR iyo koox Efentari ah oo howlgallada u qaabilsan, una badan dad ciishoon, oo waxaanba xasuustaa galab Sep 2016 aan ka soo baxnay Hotelka Intercontinental Nairobi, oo iyaga i hor socda aan kula kaftamay inuu qaab-socodkoodu shabaho kooxda Daacish (ISIS) oo xilligaas ay dunidu aad u hadalheysay – si aad ah ayay u qosleen sidii rag aan dallacsiiyay oo kale (marag-fur ahaan iyaga uwaydii, cilladaha aan ku aqaannay inkiraad kuma jirine).

Xilliyadii dambe ee doorashadii 2017, goortii aan Madaxweyne Farmaajo la sheekeeysanayo, ee aan rabo inaan iyaga soo hadalqaado, waxaan code-ahaan u isticmaali jiray kalmadda ” Daacish-teenna”. (Mar wuu qosli jiray oo ku raaxeeysan jiray eray bixintaas, marna dareen diidmo dhisi ah ayaan ka dareemi jiray, inta uu ku raaxeeysto ayaase badneeyd).

Xilli dheer oo aan xabsi ku jiray dowladda ku jiray ayay beyco siyaasadeed oo rasmi ah la galeen MD Farmaajo, bartamihii 2015, markii aan xabsiga ka soo baxay, isla habeenkii ayaan xogtaas helay, aad ayay ii farxad galisay, waayo waxaan naawilayay ineey nagu soo kordhin karaan, saameeyn iyo dardar xoog leh oo siyaasadeed, karti, qibrad doorasho, iyo daacadnimo (loyalty) iyo shaxaad dowlad carbeed, oo ay markaas ka hor ku soo dhiseen Madaxweyne Xasan Shiikh sanbadkii 2012.

Sida xaqiiqada ah, intii aan filayay oo dhan billowgii hore waa sameeyeen, marka laga reebo tii dowladda carbeed oo ay diidmo kala soo kulmeen.

Musiibo waxay dhacday markii aan ku guuleeysannay kursigii dalka ugu sarreeyay ee Madaxweynaha.

Aniga, taariikh gaar ah oo aan dhammaan saaxiibadeeyda kaga duwanaa ayay guushii habeenkaas ii aheyd, waayo, muddo sideed sano ku dhow ayaa la igu daacayadeeynayay inaan shacabka tabaaleeysan soo abaabulo, si aan siyaasiyiinta iyo xildhibaannada wax dooranaya ugu handado, taasna waxaa loo arkayay, fikir raqiis ah, tabar darro, riyo, iyo wado aan ceelka guusha marnaba tagi doonin, warkaas xun labo kalmo ayaan uga jawaabi jiray oo kala ahaa “Idinkuna markiinna soo saarta hadeey idinka yeelayaan iyo tan labaad oo ah, shacabka London, Toronto, MN iyo caalamka oo idil nooga sacbinaya ma lacag baan siinnay iyagana?.

Fikirka dadkii igu durayay abaabulka shacabka aniga hiigsigeeygu aad ayuu uga qotadheeraa, oo waxa kali ah oo ii muuqday waxay aheyd inaan abaabulidda shacabka, ciidanka, shaqaalaha dowladda, dhallinyarada, qurbajoogta iyo saxaafadda aan ku sameeynayay ay saameeyn xoog leh ku yeelan doonto, quluubta xildhibaannada labada aqal oo markaas ubadnaa xildhibaanno cusub oo shacabka ruuxooda ka dhex yimid.

Kuwii horay ugu jiray Baarlamaanka, iyagana waxaan xoogga saarayay in ay habeenkii guryahooda ugu tagaan xaasaskooda iyo caruurtooda oo ruuxdoodi Farmaajeeysantahay ilaa heer odaga ama marwada xildhibaanka ahi ay isdhiibaan.

Labadii aan tiigsanayay labaduba waa hirgaleen – oo nin xisbi madax ka ahaa, hadana golaha wasiirada ka tirsan ayaa habeen u yimid Madaxweyne Farmaajo oo musharax ah, kuna yiri ” ninyahow koox ahaan iyo shaqsi ahaanba kuma taageersani, laakiin qoorta ayaan ka xiranahay caawa oo xaaskeyga iyo gabadheyda curadda ah ayaa ila fadhiistay oo igu yiri, haddii aan kursiga iyo talada kula leenahay Aabo, waxaan kaa rabnaa inaad codkaaga annaga na siiso oo markii aad nasiiso kadib aad Farmaajo ugu shubto adiga oo innaga wakiil ah naga ah, intaas markii ay dheheenna caruurtii kale oodhan ee guriga joogtay ayaa iyaguna sacab ku taageeray, marka gacan ku heyntii gurigayga ayaad igala wareegtay, waanan kuu codeeynayaa.” tii labaad iyaduna waa dhacday oo waa tii uu kacdoonkii shacabka iyo ciidanku saameeynta ku yeelatay labadii aqal oo ugu danbeyn, fiidkii February 8,2017 Farmaajo Madaxweyne loo doortay.

Laga soo billaabo maalinkaas ilaa galabta oo aan qoraalkan daabacayo waxaa Madaxweyne Farmaajo si toos ah, laakiin qaab ahaan asturan oo kala madaxbanaan u hoostagayay labada koox oo kala ah;

Aasaasayaashii Jamaahiirtii Farmaajiisamka iyo saaxiibadii gadaal (2015) nooga soo biiray ee runtii kaalinta ragganimo leh oo shariif ah ka soo qaatay guushii la gaaray la’aantoodna xaalku cakirnaan lahaa.

Intii aan talada dalka joognay, labada kooxood marnaba iskuma dhicin, waxaana ka dhaxeysay in talada dalka la wada difaacdo, hal cadowna la yeesho, innaguna aanan hoos iskugu soo laaban, waase jirtay in hal ilna aan ku seexan jirnay isha kalana ay qolo-kasta tan kale iskaga ilaalin jirtay, waayo qaabka maamulka aad ayaa loogu kala fikir duwanaa, hadda oo taladii dalka lagu soo jabayna dib-ulaba-kacleeynta isla sidiu waan ku kala fikir duwannahay innaga iyo saaxiibadeen aan u naqaan KHAWAARIJTA SIYAASADDA. ( si aad tan u fagamto xasuuso maxkamadihii islaamiga oo ay ku wada jireen Indhacade iyo Godane balse hoggaanka Shiikh Shariif ku mideeysnaa).

Waa jireen shaqsiyaad aan labada kooxba ka tirsaneyn, balse kuwaas waxaa la soo laqay fagtii hore, mar ayaa jirtay in dhankeenna ay naga dileen nin hadda safiir ah, habeenkii guushana codka u tirinayay Madaxweyne Farmaajo, innaguna aargudasho ahaan waxaan dhankooda ka dilnay nin ay Duqa magaalada ka dhigteen April 2017.

Meelaha lagu kala fogaa waxaa ugu weynaa, innaga oo u arkeeynay in dalka iyo dadka la maamulayo ay soomaali yihiin, dadkuna aanay weli dib-uheshiis rasmi dhexmarin, magaalada la joogo ay magaalo halis ah tahay oo dowladaha lagu dubto , sidaas daraadeedna xikmad wax lagu wado, halka saaxiibadeenna kale ee KHAWAARIJTA SIYAASADDU ay iyagu had iyo goor role model iyo shaqsiga ay ku dayanayaan ka dhiganayeen Ahmed Abdi Godane iyo Ahmed Dirie Abu Cubeyda, oo doodaha dhexdeenna ah ayayba ka dhici jirtay, iyaga oo leh, Abu Cubeyda ma laandheere-nimo ayuu wax ku maamulaa? oo mararka qaar ineey nagu dayaan waaba iska jeclaan lahaayeen, nasiib wanaag maynaan aheyn rag jiljeleecaas loola imaan karay, oo waxaan aheyn rag aasaasayaal ah, isku kalsoon, hoggaamiyahoodana ku kalsoon, iyagana u arka niman aan cadow iheyn ee TAKFIIR SIYAASADEED UU AH.

Dhankeenna, nooma muuqan inaan koox saaxiibadeen ah cadow u aragno, oo waxaaba culeys nagu ahaa sidii aan iyaga dadka kale uga difaaci laheeyn, maadaama ay yihiin niman talo xun, tabar yar, hadana aanu jirin tol ay ku tiirsanyihiin oo tuutaha dagaalka u xirta;

Waxaa tusaale fiican iyo marag-madoonto ah, sidii aan nafteenna ugu hurnay markii lagu soo gardarooday amiir iyaga ka tirsan, maadaama ay ka itaal roonaayeen huwantii dulmiga ku soo weerartay, innagu waxaan ku qasbanaanay inaan xabadda loo wado isku dhigno, waayo waxaan gunnimo u arkeeynay in nin saaxiibkeen ah, oo nala jooga oo aan dad hubeeysan oo difaaca laheyn in horteenna lagu qasho.

Kooxda danbe, ee intaas oo tilmaam leh, waa ragga dhaawaca siyaasadeed ee uu hoggaamiyaheennu maanta Doha u jiifo u geeysatay, hadana, markale quud-dareeynaysa ineey bohol mugdi ah, oo dheer, oo aan kasoo-kabasho laheyn ku sii hubsadaan – waloow inteenna kaadidooda u soo cabtay oo xanuunka halgankaas soo dhadhamisay aanay aqbali doonin in markale la shirqoolo kaadirkeenna.

SIDEE AYAY U DHAAWECEEN SUMCADDII HOGGAAMIYAHA?

Waxay kalsoonidii hoggaamiyaheennu siiyay uga faa’iideeysteen ineey si qaldan u isticmaalaan, u abuuraan cadaawad xoog leh oo gudaha ah, kala irdheeyaan Soomaalidii qiimaha laheyd iyo hoggaamiyaha, isaga iyo reerkii uu ka dhashay kala ilaaliyaan sidii Gedo lagu fashiliyay, la colaadiyo siyaasiyiintii iyo reerihii saameeynta waaqiciga ah ee siyaasadeed dalka ku lahaa, sida, Puntland, Jubaland, dadka Muqdisho u badan iyo shacabka gobolka gedo, oo lagu daray xataa maamulladdii aan dhismahooda waqtiga galinnay (Galmudug/Hirshabelle), iyo ugu danbeyn qofkasta oo Soomaali ahaa oo tayo iyo waxyar lahaa

Taas baddalkeedana u soo xulay dhammaan intii dhuumatay ee la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen markii dhabta, rag-iska-dhicinta iyo dhufeeyska xabadda la isku lisayo la soo gaaray, sidoo kale u soo xulay labaddii xukuumadood ee fashilisay, waloow ay labada xukuumadood ay tayo ahaan aad u kala sarreeyeen. [Innagu intii aan soo xulnay waa inta yar ee weli mabdi’ii Farmaajiisamka ku dhaggan].

Marka siyaasadda Somalia la joogo, xaqiiqada siyaasadda wax lagu qeybsado waa qabiil – Inaad cadaawad ka abuurato hal Qabiil oo 61 Xildhibaan leh, oo aad jaal siyaasadeed ka yeelato reer 3 Xildhibaan oo qura leh, waa falsafad aan maangal aheyn, markii aad cadow ka dhigato dhowr qabiil oo kiiba uu 61 Xildhibaan leeyahayna iyadu xisaabtaba kuma sii jirto.

Garashadeydu waxay ii sheegeeysaa ineey tahay hadiyad xag Alle kaaga timid inuu Madaxweyne dal dhan ku aamino, waxaase gunnimo ah inaad aaminaadaas si qaldan uga faa’iideeysato, oo aad kala saari weeyso isku-milanka rabitaankaaga shaqsiga ah iyo himillada la rabo in laga shaqeeyo hoggaamiyahaaga ku aaminay, oo aad cadaawad u abuurto, bulshadana ka horkeento, halkii aad adigu ka-kabi laheyd meesha uu uu ka liicsanyahay, oo aad naftaada ugu huri weyso si udhiganta kalsoonidii uu kuu kuu hibeeyay.

Maadaama aan sheegay in ay hoggaamiyaha fashiliyeen su’aasha jawaabta u baahan waa sharaxaadda sida ay ku fashiliyeen.

Waxaan si TAXANE AH oo saddexdii maalin-ba mar ah idiinla wadaagi doonaa (11) Kow iyo Toban XALQADOOD, oo aan qeyb-ba mar idinla wadaagi doono, waxayna kala yihiin, qeybaha kala ah, Sidii amniga loogu fashiliyay oo (2) xalqo ka koobnaan doonta, qaabkii qabaa’ilka soomaaliyeed ee kiisu (Mareexaan/Daarood) ugu horreeyo looga horkeenay oo (2) Xalqo ah, sidii reer Muqdisho iyo hoggaamiyaheenna la iskugu dhuftay oo meel xun gaartay oo (3) xalqo ah, fashilkii doorashadii oo taariikhda markii koowaad laga codad batay Madaxweynihii fadhiyay oo (2) xalqo ah, hungoowgii Maamul goboleedyada oo ay ku jiraan kuwii aan soo dhisnay marka Laftagareen laga reebo oo hal xalqo ah, iyo beegsiga Indheergaradka oo iyana mid ah IWM.

Waloow aan wali isku dhufeys ku wada jirno, oo aan hal hoggaamiye u wada leenahay, hadana waa koox TAKFIIR SIYAASADEED AH oo Soomaalida oo dhan u wada careeysan, iyagana loo wada careeysan yahay, balse nasiib darro uu hardanka labada caro ee isku dhiig-bixi doonta uu ku dhiman doono hoggaamiyihii ay ummada Soomaaliyeed oo idil soo maalgashaneeysay 14-kii Sano ee la soo dhaafay.