Su’aallo ka dhashay ‘shaqada ay ku dhawaad kala bar ciidanka DF’ ay ka hayaan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda heerarkeeda kala duwan ee leh ilaalo kamid ah ciidamada Qalabka sida oo iyaga u gaar ah waxay kor u dhaafayaan Laba kun oo mas’uul oo u dhaxeeya agaasime waaxeed, taliye saldhig, guddoomiye waaxeed illaa Madaxweyne.

Tirada askarta madaxda waardiyeysa waxaa xaddida dhaqalaaha masuulka iyo sida uu u heli karo; gunno $100 ilaa $250 u dhaxeysa, gawaari uu askarta ku qaato iyo deegaan qaada ciidanka. Labo ilaa 100 askari ayey u dhaxeysaa tirada ay mas’uuliyiintu isku ilaaliyaan.

Celcelis ahaan masuul kasta oo dowladeed waxaa waardiyeeya 8 (Siddeed) askari oo dowladdu bixiso mushaarkooda iyo xuquuqdooda kale ee ciidan, taas oo ka dhigan in 16,000 (Lix iyo toban kun) oo askri ay ku mashquulsan yihiin sugidda amniga masuuliyiinta dowladda ee Muqdihso kaliya ku sugan, si kale haddii aan kuugu dhigo ku dhowaad kala bar ciidanka ayaa waardiye u ah mas’uuliyiinta dowladda.

Dhanka dhaqaalaha waxay dowladda ku kallifeysaa bixinta ku dhowaad $60 Milyan sanad kasta, taas oo la hubo culeyska ay leedahay marka laga hadlayo dowlad ku tiirsan taageero maaliyadeed oo dibadda ka timaada.

Su’aasha aan la isweydiin ee laga yaabo inay wax weyn kala maqan tahay dowladnimada ayaa ah;

Ma loo baahan yahay ilaalo gaar ah oo tiradaan leh?

Marka aan dhab u fiirino nooca weerarrada ka dhaca Muqdisho xal uma aha tirada ciidanka ee madaxda waardiyeeya ee waxa ay kordhiyaan xaddiga khasaaraha oo kaliya taas oo muujineysa in haba yaraatee aysan u adeegeynin amni sugid iyo arrin nabadgeliyo la xiriirta midna.

Howsha ugu weyn ee ciidamadan u qabtaan masuuliyiinta waxaa lagu sifeyn karaa “Waddo furis” iyaga oo hubinaya in kolonyada masuuliyiintu aysan ku hakan ciriiriga waddooyinka Muqdisho. Waxaa intaas soo raaca adeegga xaragada iyo ismuujinta, maadaama ay dhaqan siyaasadeed noqotay in masuulka lagu qiimeeyo tirada ciidamada waardiyeeya iyo gawaarida ciidanka ee uu heysto.

16,000 oo askari maxay qaban karaan?

Saddex meelood laba meel ciidanka AMISOM ee dalka jooga ayey tiro ahaan u dhigmaan, halkaas ayaadna ka garan kartaa waxa ay ku soo kordhin karaan amniga Soomaaliya, haddii loo howlgeliyo sida ku haboon. Haddii aan dhan kale ka fiiriso waxay ka badan yihiin ciidamada Danab, Gorgor iyo kuwa Eritrea lagu soo tabobaray oo la isku geeyay.

$60 Milyan sanad kasta, maxaa lagu qaban karaa?

Saddexda isbitaal ee Banaadir, Madiina iyo Martiini ee dowladda haddii sanadkii mid walba $20Milyan lagu bixiyo waxay adeeg caafimaad oo heer sare ah siin karaan ku dhowaad nus milyan Soomaali ah, haddii waxbarashada lagu maalgeliyo, imisa arday ayaa waxbarasho heli lahaa.

Bedka Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa 70 Km oo isku wareeg ah, iyada oo horayba u yareyd bal ka warran wax ka yar 20Km oo isku weer ah haddii ay ku sugan yihiin 16ka kun ee askari ee aan ka hadalnay, waa mid kamid ah sababaha amni darrada ugu weyn ee jirta maadama aysan jirin cid ay ciidankan hoos tagaan iyo cid ay ka amar qaataan.

Waxyaabo yaryar oo la saxaa ayaa lagu xaqiijin karaa himilooyin waaweyn, mudnaan-siintana iyo kala hormarinta howlaha dowladdana waa tiirka koowaad ee guusha. Wax ka bedelka hab-dhaqanka masuuliyiinta dowladda waa howl aan waqti iyo dhaqaale midna u baahnayn oo ay ku filan tahay go’aanno si miir qab leh loo qaato oo la darsay iyo fulin kaliya u baahan.

W/Q: Cali Nuur Salaad

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.