Baarlamaanka Turkiga oo go’aan ka gaaray mooshin laga keenay ciidamada Turkey ee ku sugan Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.

Baarlamaanka dalkaas ayaa ansixiyey mooshinkaas oo lagu dalbanayey in ciidamada Turkiga ka joogo Soomaaliya loo ogolaado inay halkaas sii joogaan illaa 10-ka Feberaayo 2023.

Mooshinkaan ayaa waxaa baarlamaanka hor geysay madaxtooyada Turkiga oo codsatay in mudada loo kordhiyo ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, badda iyo xeebaha Soomaaliya.

Waqtiga ay ciidamada Turkiga joogayaan dalka Soomaaliya ayaa waxay ku ekeyd 10-ka Bishan February ee sanadkaan, waxaana hadda loogu daray muddo 1 sano ah.

Waa markii 14-aad ee Ankara ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horeysay ee uu meelmariyay baarlamaanka sannadkii 2008-dii.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka sameystay saldhig Militari oo weyn kaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Turkiga oo ka qeyb qaata tababarada ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada ay tababaraan dowladda Turkiga ayaa ka qeyb qaata howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyey saaxiib joogta ah la aheyd Soomaaliya tan iyo markii ay usoo gurmatay xilligii ay dalka ka dhaceen abaarihii qatarta ahaa waqtigii uu dalka madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.