Baarlamaanka UK oo ka doodaya in Somaliland loo aqoonsado dal – Goorma?

London (Caasimada Online) – Baarlamaanka UK ayaa Talaadada beri ah lagu wadaa in muddo kooban uu dhageysto dood ku saabsan madax-banaannida Somaliland, taas oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire.

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gabagabeyn doono fadhiga maalinta beri ah ayaan la fileyn in wax go’aan ah uu ka gaaro baarlaamka.

Ma’aha markii ugu horreysay ee baarlamaanka UK uu dhageysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Bishii December 2019, illaa 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd “maxmiyad ay Britain xukumi jirtay”.

Mid kamid ah xildhibannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Sidoo kale golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoosan yihiin “madax-banaanida” Somaliland, walow taasi aysan wax badan soo kordhin.

Go’aanka dowladda UK

Xukuumadda Britain ma aqoonsano gooni isu taagga Somaliland, sida ay marar badan sheegtay.

Vicky Ford, oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa bishii November 2021 sheegtay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto oo keliya marka ay go’aan noocaas ah gaaraan Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrikaanka ah.

Wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa oo looga arrinsan lahaa arrinta Somaliland ayaa dhowr jeer dhacay, in kastoo aanay wax weyn soo kordhin.

Ma jiro dal ka tirsan caalamka oo sodonkii sano ee la soo dhaafay waddan madax bannaan u aqoonsaday Somaliland.

BBC