Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha KMG ee aqalka hoose ee baarlamaanka Federaalka Cismaan Cilmi Boqorre, ayaa ka hadlay Ajandaha maanta oo Sabti ah looga hadli doono kulankooda 2-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.
Boqore ayaa sheegay in qodobka ugu weyn ee Ajendaha maanta uu yahay dhismaha guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka iyo barnaamijka guud ee arrimahan ku wajihi lahaayeen.
Boqore sheegay in Xildhibaanada la horgeyn doono, lana filaayo iney ansixiyaan si loo guda galo howlaha doorashooyinka.
Boqore oo la hadlaada Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in talaabada uu maanta qaadi doono Baarlamaanka ay tahay tan ugu adag marka la eego howlaha kale ee horyaal Baarlamaanka cusub.
Sidoo kale, Boqore waxa uu sheegay in Baarlamaanka ay maanta ka filayaan Ansixinta Ajandaha waxa uuna rajo ka muujiyay hanaanka ay Xildhibaanada kusii wadi doonaan Howlaha horyaal inta laga dhisi doono Guddoonka saxda ah ee BFS.
Dhinaca kale, Boqorre ayaa tilmaamay in waxyaabaha laga hadli doono ay kamid tahay lacagta ay madasha kusoo rogtey musharraxiinta, taas oo xildhibaannada laga doonayo in go’aan ay ka gaaraan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

