Addis Ababa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha mucaaradka iyo Guddoomiyaha federaaliga Oromo Congress (OFC), Dr Merera Gudina, ayaa iska fogeeyay inuu xiriir la leeyahay Kooxaha Argagixisada ee kasoo horjeeda xasiloonida dalka Ethiopia.
Dr Merera Gudina, oo la hadlaayay Warbaahinta Mucaaradka dalka Ethiopia, ayaa sheegay in eeda ay usoo jeedisay Dowlada Ethiopia ay tahay mid been abuur ah, isla markaana sheegay in mar waliba dusha loo saaro eedeymo aan la hubin.
Gudina, waxa uu tilmaamay in Dowlada Ethiopia aysan heyn cadeymo muujinkara inuu xiriir la leeyahay Kooxaha qalqal galiya xasiloonida dalka Ethiopia, waxa uuna ku celcelshay in haddalka kasoo yeeray Dowlada uu yahay mid mala ah oo aan la xaqiijin.
Qareenada ayaa sheegay in Dr Merera Gudina uu ku celceliyey islamarkaana beeniyay wax kasta oo lagu eedeeyay ee argagixisada intii uu ku jiray dacwada maxkamadda.
Qareenada, waxa ay sidoo kale, sheegen in Dr Merera Gudina, intabadan noloshiisa uu ku qaatay cilmiga iyo wacyigalinta ka gees ah hadafyada rabshadaha iyo argagixisada.
Baarayaasha Ethiopia ayaa la siiyay muddo hal bil ah inay kusoo gabagabeeyan baaritaanka Mr Gudina, si loo soo afjaro eedeeynta la xiriirta argaggixisanimada.

