Baarlamanka Galmudug oo doortay 6 ka mid ah Senatora-da Aqalka Sare + Magacyada

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Baarlamanka Galmudug ayaa goordhoweyd doortay lix Senator oo maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya.

Saciid Siyaad Shirwac ayaa helay 87 ka mid ah codadka xildhibaanada kadib markii musharaxii la tartamayey Maxamed Daahir Maxamed uu tanaasulay. Waxaa diiday laba xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay, ayada oo 89 xildhibaan ay codeeyeen.

Kursiga koowaad ee uu ku guuleystay Saciid Siyaad ayaa waxaa hadda ku fadhiya guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, waxaana leh beesha Saleebaan ee Habargidir.

Waxaa sidoo kale kursiga labaad loo doortay Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo kursigan hadda ku fadhiya, wuxuuna helay 87 codad, ayada oo mid uu diiday midna uu ka aamusay. Waxaa tanaasulay Daahir Faarax Fiidow oo la tartamayey.

Kursiga saddexaad ayaa waxaa loo doortay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, wuxuuna helay 86 cod, waxaa diiday 2, halka uu midna ka aamusay.

Kursiga afaraad ayaa sidoo kale waxaa loo doortay Zamzam Dahir Maxamuud oo ayadu heshay 89 cod, waana loo tanaasulay. Waxay noqoteyna Senator-kii u horeeeyay ee Haween oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad ee muddo xileedkiisa dhammaaday.

Kusriga shanaad ayaa isaguna waxaa loo doortay Cabdixakiim Macalin Axmed, wuxuuna helay 86 cod, halka uu ka aamusay mid keli ah.

Kursiga lixaad ayaa waxaa loo doortay Duniyo Maxamed Cali, kadib markii ay u tanaasushay Qadro Cabdullaahi Isxaaq, waxayna ku guuleysatay cod gacan taag ah.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka socota Dhuusomareeb, ayaa la filayaa in lagu doorto shan kursi oo kale, oo ka harsan lixda kursi ee uu madaxweyne Qoor Qoor ku dhowaaqay musharaxiintooda.  

Galmudug ayaa noqoneysa maamulkii afaraad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana hadda harsan kaliya HirShabeelle.