Baarlamanka Galmudug oo ka noqday qodob ay ku diideen doorashada gacan taaga

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeyb kamid ah kuwa Maamulka Galmudug ku matalaya Aqalka Sare.

Goobta doorashada ayaa waxaa laga akhriyay habraaca doorashada, waxaana la sheegay in codeynta doorashada Aqalka sare ay tahay qarsoodi, kursi kastana ay ku tartamayaan laba xubnood, isla markaana hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonta gacan tag.

Shalay ayaa Guddiga Baarlamaanka Galmudug u qaabilsan doorashada Aqalka sare habraac ay soo saareen waxaa kujiray in hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonto qarsoodi taas oo walaac laga muujiyay.

Qodobka ugu culus ee habraacii Shalay lasoo saaray ayaa ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

“Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug.

Musharaxiinta u tanaasulaya musharaxiinta kale ayaa laga dareemay doorashooyinkii kale ee ka dhacay magaalooyinka Baydhaba, Kismaayo iyo Garowe, waxaana ma rumeysan yahay in ka laabashada Baarlamaanka go’aankii Shalay uu ka dambeeyey madaxweyne Qoor Qoor oo xalay kulamo kala duwan ka sameeyey Magaalada Dhuusamareeb.