Waxyaabihii ay taleefoonka uga wada-hadleen Farmaajo iyo amiirka Qadar (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka telefoonka kula xiriiray amiirka dalka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, sida ay warisay wakaalada wararka u faafisay Dooxa.

“Mudane Amiirka ayaa wicitaan dhanka telefoonka ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ee Qatar News Agency.

Qoraalka waxaa la raaciyey: “Marka laga soo tago in ay ka wada hadlaan arrimo badan oo ku saabsan horumarka gobolka iyo caalamka ee danaha wadajirka ah, intii lagu jiray wadaxaajoodyadda, waxay dib u eegeen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha kor loogu qaadi lahaa loona horumarin lahaa”.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan wadaxaajoodkan oo kasoo baxay dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wadahadalkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo dhowr arrimood ay jiraan. Tan koowaad uguna xiisaha badan waxay tahay socdaalka soo shaac-bixiyey khilaafka Farmaajo kala dhaxeeya ra’iisul wasaarihiisa xilgaarsiinta Rooble ku tagay dalka deriska ah ee Kenya.

Inkasta oo Rooble beeniyey in ay isku-dhacsan yihiin Farmaajo, haddana socdaalkiisa wuxuu dib boorka uga jafay xiisadii Farmaajo iyo Kenya xilli Villa Soomaaliya aysan soo bandhigin kulan asbuucii hore uu la qaatay wasiirka arrimaha dibada Kenya, Raychelle Omamo, oo booqatay Muqdisho todobaadkii aynu kasoo gudubnay.

Dooxa ayaa door firfircoon ka cayaartay isu-soo-dhaweynta hogaanka Soomaalida iyo Kenya si gaar ah go’aanka maamulka Farmaajo, oo ay Qadar maalgelisay ololihiisii doorashadii 2017-kii, uu kusoo celiyey cilaaqaadka diblumaasi ee Nairobi kaasoo uu gooyey.

Sidoo kale, wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu guda galay doorasho ayna bilaabatay xulista mudaneyaasha Aqalka Sare. Dooxa waa mid kamid ah daneeyeyaasha ugu culus ee coddeynta. Balse, mugdi ayaa ku duugan in ay mar kale dhiseyso Farmaajo.

Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May, 2021 la baalmaray taariikhaha qaar.