BAARLIIN oo u jawaabtay KHADIIJA – “Way ogtahay inay dadkeeda go’aan gaareen”

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax Baarliin Maxamuud Biin oo u sharraxan kursiga tirsigiisa uu yahay #Hope097 ayaa si kulul uga jawaabtay hadallo dhowaan kasoo yeeray wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo sanado fara badan ku fadhida kursigaasi.

Baaliin Biin oo wareysi siisay Goobjoog ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamtay hadalkii Khadiijo Diiriye ee ahaa in aysan Baarliin ‘u dhalan’ beesha iska leh kursiga #Hope097.

“Taas markaan maqlay horta waa wax lagu qoslo runta marka aan ku sheego. Qofka waxaa loo baahan-yanay inuu isku kalsoonyahay,” ayey tiri Baarliin.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay “Been luga leh ayaa la sheegaa, haddii been la sheegaayo arrimahaas caddeymahooda waa kuu hayaa hadallo na dhex maray aniga iyo iyada oo afkeeda ka caddeyneyo waxaan isku nahayne waa la haayaa,”.

Baarliin Maxamuud Biin oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in aysan diyaarad soo raaci laheyn, qarashna uusan ka bixi laheyn, haddii aysan u dhalan beesha iska leh kursigaasi.

“Qabiil aan aniga u dhalan intaan diyaarad usoo raaco qarash u soo galo iskuma soo sharraxaayo, weliba aan ogahay qofka ku fadhiya waxa ay tahay,” ayey sii raacisay.

Musharrax Baarliin Biin ayaa dhinac kale su’aallo dheeraad ah ka keentay waxa keenay buuqa hareeyey kursiga #Hope097, iyada oo intaasi raacisay in dadka ku abtirsada ay sanadkan go’aan dhab ah ku gaareen in la sameeyo isbedal, sida ay hadalka u dhigtay.

“Maxaa keenaya buuqaan? maxaa keenaya showgaan?, because way ogtahay maanta inay dadkeeda go’aan gaareen, ayna la tartamaayaan,” ayey markale tiri Baarliin Biin.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday in iyadu ka go’an tahay inay gasho tartanka, waxayna ugu baaqday Khadiijo Maxamed Diiriye inay kasoo qeyb-gasho doorashada.

“Haddaa dadkaada isku hubto ood leedahay anaa ciddan iska leh oo qof kale ma rabaan buuqa jooji doorashada kasoo qeyb-gal,” ayey Baarliin kusoo gaba-gabeysay hadalkeeda.

Tan iyo markii ay Baarliin ku dhowaaqday inay u sharraxan tahay kursiga #Hope097 ayaa waxa ay si aad ah u gil-gishay Khadiijo Diiriye oo labaatan sano ku fadhida kursigaasi.