Ethiopia oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Soomaali xiriir la leh kooxda TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska federaalka Itoobiya ayaa faah faahin guud ka bixiyey howl-gallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha dalkaasi, kaas oo la xiriira xaaladda deg deg ah oo ay dowladdu ku soo rogtay Itoobiya.

Taliye ku xigeenka booliska, gaar ahan qeybta ka hortagga dambiyada Melaku Fenta iyo taliyaha booliska Addis Ababa Getu Argaw oo si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay gacanta ku dhigtay dad Soomaali ah oo la shaqeynayey kooxda TPLF ee haatan dagaalka culus ka wada waqooyiga waddanka Itoobiya.

Melaku Fenta iyo Getu Argaw ayaa tilmaamay in howl-galladaasi loo fuliyey si waafaqsan xeerka deg-degga ah ee lasoo rogay.

Ma shaacin taliyeyaasha magacyada ragga Soomaalida ah ee la qabtay iyo halka ay ku sugnaayeen, marka laga reebo eedeynta loo jeediyey ee ah inay la shaqeynayeen TPLF.

Taliyeyaasha ayaa intaasi ku daray in howl-galka ka dhanka ah TPLF uu sii socon doono, iyaga oo ku eedeeyey in jabhadu ay ku hawllan tahay sidii ay u abaabuli laheyd argagixiso.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayey dagaalka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF oo haatan ku dhow Addis Ababa.

Si kastaba, dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya ayaa saameyn daran ku yeeshay shacabka dalkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.