Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay Isgoyska Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo laga maqlayo meelo badan oo magaalada ka mid ah ayaa ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala eegtay kolnyo ka tirsan ciidamada Amisom oo ka yimid dhanka Villa Baydhaba, sida aan xogta ku helnay.

Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu jiro khasaare nafeed oo isugu jira dhimash iyo dhaawac, waxaana illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada saddex qof, iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

Waxa uu burbur xoogan soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa yimid saacado kadib markii qarax kale uu maanta ka dhacay Wadada Ceelqalow ee laamiga isku xira Isgoysyada Dan-Wadaagaha iyo Soobe, kaasi oo ahaa nooca miinada ah.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Ceelqalow, kuwaasi oo kamid ah kuwa dowladda Hoose ee Xamar ee lacagta canshuurta uga qaada Bajaajta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen Saddex kamid ah askarta lala eegtay, oo dhaawacooda loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Illaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda labada qarax, hase yeeshe waxaa qaraxyada noocan ah inta badan fulisay kooxda Al-Shabaab.