Baaxadda dhulka Al-Shabab ay maamusho oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay isku ballaarisay sanadihii dhowaa, ayada oo ay sacideen khilaafyada siyaasadeed ee mas’uuliyiinta Soomaalida dhexdooda, waxaa sidaas qoray wargeyska Washington Post.

Halka ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xukumaan Muqdisho iyo caasimad goboleedyada, Al-Shabaab iyo dagaal-yahanadeeda oo lagy qiyaaso 5,000 illaa 7,000 ayaa maamula tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha. 

“Waxaan aragnay inay ballaariyeen dhulka ay haystaan,” waxaa sidaas tiri Samira Gaid, oo ah agaasimaha fulinta ee machadka daraasaadka amniga ee Hiraal oo la hadashay Washington Post. “Waxaan aragnaa inay sii noqonayaan kuwa aan la loodin karin. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa laba laabtay weerarada ay ka fuliso Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2015 illaa 2021.

Inta badan xilligaas waxaa dalka maamulayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo intii uu kooxda la dagaalami lahaa ka door-biday inuu xooggiisa isugu geeyo inuu la-dagaalo maamul goboleedyada dalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo sidii uu xukunka ku dheereysan lahaa. 

“Al-Shabaab waa kooxda ugu weyn, ugu hodansan uguna dilka badan kooxaha ku xiran Al-Qaacida, waxay mas’uul ka tahay geerida kumanaan qof oo aan dambi gaysan oo ay ku jiraan Mareykan,” waxaa sidaas bishii Febraayo yiri Gen. Stephen J. Townsend, madaxa taliska AFRICOM ee Mareykanka.  

Arrimo dhowr ah oo isbiirsaday ayaa xoojiyey kooxdan. Waxaa ka mid ah xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya, taageeradii ciidamada Mareykanka oo yaraatay, ciidamada AMISOM oo ah wax-matarayaal iyo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeed oo aan laheyn istaraatiijiyad looga hortago kooxdan oo wax ku ool ah, ayey tiri warbixinta Washington Post. 

Ciidamada Soomaaliya ayaa ah kuwa weli aan sameyn horumar, inkasta oo sanado badan ay tababar siinayaan Mareykanka iyo dalal kale.

“Weerarada muqaawamada ee dhimashada leh ee Al-Shabaab ayaa sii socda ayada oo dhammaadka uusan muuqan,” ayey ku tiri kooxda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG), warbixin ay soo saartay bishii tagtay. 

“Kooxda mar kasta tallaabo ayey ka horeysaa howlgallada militari. Marka taas lagu daro isku dhex yaaca cadowgeeda, waxay ka dhigan tahay inay ku milmeen bulshada Soomaaliyeed. Taas waxay adkeyneysaa in laga adkaado,” ayey tiri ICG.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortay laba bil kahor ayaa ballan-qaaday inuu kooxdan ka adkaan doono, isaga oo sheegay inuu dagala saddex jiho ah la geli doono Al-Shabaab. 

Hase yeeshee, ballanqaadkiisa waa mid la eegayo inuu fuli doono in kale, ayada oo horey ballan-qaadyo ay u sameeyeen madaxdii ka horeysay aysan waxba ka miro-dhalin.