Baaxadda shaqada hortaala Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawaan loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha ee madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba waxaa sidee xaaladda abaaraha ee dalka, maxaase horyaala ergeygaan idman? Waxaan idinla wadaageynaa warbixintaan ay baahisay qaramada midoobay.

Ugu yaraan Soomaali tiradooda lagu qiyaasay 7.7 Milyan ayaa xilligaan u baahan gargaar bini’aadanimo, qiyaastii 2.9 Malyan oo kamid ah tiradaas waa dad ku barakacay dalka gudahiisa, waxayna wajahayaan halis aad u ballaaran nafsiyan iyo jismiyan.

Inta badan dadkaas waxay qaarka u saaran yihiin gaajo, faqri iyo xoolaha oo dhaafa. Qiyaastii 760 Kun ayaa dhawaan barakacay iyagoo raadinaya cunno, biyo iyo gargaar bini’aadanimo.

Tusaale ahaan bishii February oo kaliya magaalada Diinsoor waxaa muddo 3 todobaad gudahood ka barakacay 17 Kun iyo 400 oo u badan carruur iyo haween kadib colaado ay halkaas ka hurisay Al-Shabaab.

Haddii aysan si kale wax isku badalin wixii loo gaaro bisha June 2022 xaaladda abaaruhu waxay isku badali karaan xaalado macluul ah.

In ka badan 90% dhulka Soomaaliya wax Roob ah kama di’in bilihii lasoo dhaafay taasoo kor u qaaday baahida loo qabo biyaha culeysna saartay ilihii biyaha ee shaqeenayey.

Qiyaastii dad gaaraya 3.5 Malyan ayaa aad ugu baahan biyo halka qiyaaastii 80% ilaha biyaha ay ku yaala daafaha dalka ay qalaleen. Heerka biyaha ee wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa gaaray halkii ugu hooseysay meelo badan oo kamid ah wabiyadaasna wayba qalaleen kuwaas oo saameeyey wax soo saarka beeraha.

Bishii February  waxaa kor u kacay sicirka biyaha iyo quutul daruuriga. Macqluul ayaa ka dhici karta illaa 6 aag oo kamid ah Soomaaliya wixii loo gaaro bishi June 2022 haddii aan la helin roobabkii guga ee di’I jiray inta u dhaxeysa April iyo June kuwaas oo hadda ka hooseeya heerkii celcelis ahaan la heli karo.

Suurtaganimada macluusha waxaa sii badin kara haddii uu kor usii kaco sicir bararka cunada iyo haddii aan la kordhin gargaarka bini’aadanimo si loo gaarsiiyo qeybaha ugu nugul bulshada.

Sababo ilala xad la xiriira abaaraha waxaa kasii daray heerarka nafqo la’aanta ba’an ee ka jirta inta badan daafaha dalka.

Sanadkaan 2022 qiyaastii 1.4 Malyan oo kamid ah carruurta da’dooda ay ka hooseyso  5 jirka ayaa wajahaya heerarka nafaqo la’aanta ba’an . 329.500 oo kamid ah carruurtaas ayey u badan tahay inay xaaladoodu gaarto heerarka ugu hooseya ee nafaqo la’aanta.

Si gaar ah waxaa loogu cabsi qabaa carruurta kusoo barakacday Muqdisho, Baydhabo iyo Gaalkacyo.  Intaas waxaa dheer  xaaladaha deg deg ah ee ka dhashay abaaraha Waxay hakad geliyeen waxbarashada carruur gaareysa 1.4 Malyan, 45%  oo kamid ah carruurtaas waa Gabdho qarka u saaran inay isaga haraan waxbarashada.

Abaaraha ba’an ee ka jira dalka ayaa keenay in dadku cabaan biyo aan nadiif aheyn waxaana ka dhashay cudurada faafa oo meelaha qaar laga soo wariyey. Tan iyo bishii January 2022 waxaa goobo kala duwan oo Soomaaliya ah laga soo gudbiyey 3170 xaaladood oo Shuban iyo Daacuun ah iyo sidoo kale 2460 xaaladood oo cudurka Jadeecada ah.

Inta badan dadkaas qaaday cudurada waxay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay 5 jir. Feyruska Karoona ayaa sii cusleeyay  saameyna ku yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya.

Gaaritaanka dadka u baahan gargaar bini’aadanimo ayaa waxaa hor yaala caqabad weyn. Sababaha ugu badan waa colaadaha socda iyo amni xumada kuwaas oo saameynaaya bad-qabka shaqaalaha gaargaarka iyo awoodda ay u leeyihiin inay caawinaad gaarsiiyaan dadka u baahan.

Caqabadahaas kuwooda ugu badan waxay ka jiraan Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, qiyaastii 90 kun oo qof ayaa ku nool goobo ay ka taliyaan maleeshiyaad aan ka tirsaneyn dowladda taasoo caqabad ba’an ku noqotay bixinta gargaarka.

Lacagaha loogu talagalay gargaarka Soomaaiya ayaa aad usoo raagay taasoo xagal daacisay in la bixiyo gargaarka xilliga loo baahan yaha.

Xaaladda abaarta ee Soomaaliya iyo dhibaatooyinka halkaas ayey taagan yihiin haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay ergeygiisa gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bini’aadanimada waxaa hor taala inuu wax ka qabto arrintan oo uu keeno natiijo ay Soomaalida ku faraxdo.