Madaxweyne XASAN oo magacaabay 3 xil oo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu saddex xubnood ugu magacaabay La taliyeyaal Madaxweyne.

Madaxweynaha ayaa Ibraahim Iidle Suleymaan u magacaabay inuu noqdo La taliyihiisa Dhanka Sharciga, halka uu Sakariye Xasan Cali (Gaashaan) u magacaabay inuu noqdo La taliyihiisa Siyaasadda & Xiriirka Baarlamaanka ee Xafiiska Madaxweynaha

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xasan Aadan Hoosow u xushay inuu noqdo La taliyihiisa Dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay La taliyeyaasha in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.

Xubnahaan la magacaabay ayaa soo qabtay xilal sarsare oo Hay’adaha Dowladda dhexdooda ah iyo meelo kale oo muhiim ah, waxa ayna khibrad wanaagsan u leeyihiin howlaha loo igmaday.

Madaxweyne Xasan ayaa hore ugu u magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya inuu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani’aadamninada Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale u magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Dhanka kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xil sare u magacaabi doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Ilo-wareedyo ko dhow madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in Sheekh Shariif u magacaabi doono wakiilka gaarka ah ee “dib u heshiisiinta qaran iyo wada-hadallada Somaliland.”