Badhasaabkii Awdal oo weli firxad ku ah Hargeysa

Borama (Caasimada Online) ― Badhasaabka gobalka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa weli firxad kaga maqan magaalo madaxda gobalka Awdal ee Borama.

Badhasaabka ayaa muddo bil ku siman firxad ku jooga magaalada Hargeysa, isagoo ka soo cararay gobalkii uu guddoomiyaha ka ahaa, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdi Cismaan Dhegaweyne oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Borama.

Xildhibaan Dhegaweyne oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Boorama, ayaa waxa uu sheegay in Badhasaabkii gobalka Awdal uu deegaanka uu Mas’uulka ka ahaa uga baxsaday dilkii loo geystay labada Saraal ee ka soo jeeday G/Awdal.

Dhegaweyne ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu Badhasaabka ugu tagay magaalada Hargeysa si uu ugu soo qanciyo in uu ku soo laabto gobalka uu ka talinayey, balse wuxuu sheegay inuu ku gacan sayray Badhasaabku, wuxuuna yiri

“Badhasaabkii gobalku wuu ka baxsaday waanu ka maqanyahay ilaa hadda, cidna ma eryin, cid gobalka uu maamulka ka yahay u sheegatay ma jirto. Saraakiisha la laayay anigaa u xigay, waan u yeedhay intaan Hargeysa ugu tagay, inaan gobalka ku soo celiyo hase ahaatee wuu ka baxsaday”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Kuna soo noqon maayo, hortiina ayaan ka sheegayaa, walaahi inaanan la gabanayn ku soo noqon maayo gobalka”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com