Xildhibaan Nac-nac oo Muuse Biixi ugu baaqay sii deynta Shiikh Aadan Sunne

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ugu baaqay inuu xabsiga kasii daayo Sheekh Aadan Sunne.

Xildhibaan Nac-nac ayaa sidoo kale waxa uu Madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu sii daayo Dhalinyartii lala xiray sheekh Aadan Sunne.

“14-kaas nin ee masaakiinta ahaa ee wadaadada ahaa ee wali xiran ee sheekhu ku jiro sii daa ayaanu leenahay” ayuu yiri Xildhibaan Nac-nac.

Xidhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay cafiskii uu Madaxweyne Biixi u fidiyey maxaabiistii Puntland, isagoona sheegay in maamulka Puntland ay weli duulaan ku wado, wuxuuna yiri

“Madaxweynuu waa uu ku hagaagsan yahay haddii uu 14-kaas Tukaraq uu saamaxay waa dad muslim ah, laakiin markaad wax sii daynayso waa inaad wax ku badalataa, 14-kiina waa aynu sii daynay kuweeniina way haystaan nimankan Puntland ee nimankeena haystaana umaba jeedaan saamaxaad iyo waxaas, imika ayay inagu soo duuleen oo barigi ayay tageen marba dhan ayay inagaga imanayaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com