Xog: Xafiiska Kheyre oo wada qorshe ka dhan ah wariye Cali Aadan Muumin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ay Caawa heleyso Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in dhallinyaro ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay wadaan olole ay ku doonayaan in looga laabto go’aankii maanta kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ee ku aadanaa Kiiska Wariye Cali Aadan Muumin.

Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta soo saaray xukun ku saabsan Kiiska loo heystay Wariyaha Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna amray in lasii daayo  marka uu dhamaado Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Soomaaliya oo ku eg Maalinta JImcaha ah.

Dhallinyaro goys ka heysto Ra’isulwaare Kheyre kana tirsan Xafiiskiisa ayaa Caawa wacay Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxayna cadaadis ku saarayaaan in laga laabto xukunkii lagu riday Wariye Cali Aadan Muumin.

Dhallinyaradaas oo la aaminsan yahay inuu gadaal ka riixayo Ra’isul wasaaraha ayaa Garsoorahaas ku amray inuu racfaan ka furo xukunkii Wariye Cali Muumin isla markaasna aysan ku qanacsaneyn xukunkaas.

Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa hanjabaad culus u diray Garsoore Cabidraxmaan Saciid Axmed oo ka tirsan  Maxkamadda Gobolka Banaadir, haddii uu ka laaban waayana go’aankaas laga qaadi doono tallaabo ka dhan ah xilkiisa.

Dhallinyaradaas ka tirsan Xafiiska Kheyre ayaa Garsooraha ugu hanjabay inay Xamar ka ceyrin doonaan maadaama uu isaga kasoo jeedo Deegaanada Somaliland haddii uu sameyn waayo arrinta Sharci darada ah oo ay rabaan.

Sida uu garyaqaan ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir u sheegay Caasimada Online, mar haddii ay maxkamadda gaarto go’aan isla markaasna aan isla fadhigaas looga dhawaaqin inuu racfaan ka furan yahay, sidaas ayuu ansax ku yahay go’aankaas isla markaasna meeshaas lagu xirayo feylka fal dambiyeedkaas.

Garsoore Cabidraxmaan Saciid Axmed marka uu ridayey Xukunka Wariye Cali Aadan Muumin ma uusan sheegin inuu dambiile yahay iyo in kale, Sidoo kalana go’aankiisa wuxuu ku saleeyey inay eedeyn uga timid Xafiiska Baratakoolka Madaxweynaha, Booliska iyo Wasaaradda Waxbarashada.

Sidoo kale waxaa xusid mudan inuusan wax racfaan ah ka furin go’aanka uu Maanta ka gaaray Kiiska Wariye Cali Aadan Muumin oo si sharci darro ah ay u xirtay Dowladda Soomaaliya.

Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, Dhallinyarada ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Wariye Cali Muumin horey uga codsaday inuu kala shaqeeyo xafiiska ra’iisul wasaaraha dhanka warbaahinta balse wuu ku gacan seeray.

Dhallinyaradaas ayaa  Cali u sheegay inay u geyn doonaan Ra’isul wasaaraha isla markaasna la siin  doono lacag ka badan midda uu ka qaato Idaacadda uu ka tirsan balse Cali ayaa arrintaas diiday, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno aad ugu dhow Cali.

Madaxda ugu sareeyo dalka ayaa Social Media-yaha u isticmaalo in lagu dhalleeceeyo Siyaasiyiinta horey xilalka uga soo qabtay Soomaaliya, waxaana wax lala yaabo ah inay  dad maxkamad u geyso inuu Facebook wax kusoo qoray iyadoo la ogyahay in Dowladda ay lacag ku bixiso in Baraha Bulshada lagu fuliyo siyaasaddeeda.

Ururada kala duwan oo ay shaqadooda tahay ilaalinta Xuquuqda Suxifiyiinta ayaa horey u cambaareeyey falkii sharci darada ahaa ee lagu xiray Wariye Cali Aadan Muumin, waxayna tallaabada ay wadaan dhallinyarada Xafiiska Ra’isulwasaaraha muujineysaa heerka ay gaarsiisan tahay  caburinta ay Dowladda ku heyso Xuriyadda hadalka.

F.G: Shabakadda Caasimadda Online ayaa saacadaha soo socdo idinla wadaagi doonto magacyada dadka ka tirsan Xafiiska Kheyre ee wado ololahaan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com Â