Balanballe: Xaflad aroos oo isku bedashay Tacsi kadib markii la dilay..

Balanballe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan oo ka dhacday agagaarka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, kadib uu dil ka dhacay goob ay xilligaas ka socotay xaflad aroos ah.

Arooska ayaa isku beddalay tacsi, waxayna goobta oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan oo faraxsan, balse goobta ayaa hal mar isku bedashay meel ay murugo taallo.

Dhacdada ayaa ka dhalatay dagaal dhex-maray laba wiil oo dhalinyaro ah oo ku sugnaa xafladda, kuwaas oo murmay, kadibna uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah.

Wariye ku sugan degmada Balanballe oo la socday dhacdadaasi ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, waxaana uu sheegay in mid kamid ah wiilasha ay murmeen kadibna uu midkoo doontay qoray, sidaasina ku dilay wiilkii kale oo ay ku wada dagaalameen arooska.

“Meel u dhow degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud waxaa xalay ka dhacday in laba wiil oo dhalinyaro ah oo ku sugnayd goob ay ka socotay xaflad aroos in dagaal uu dhex-maray, taasina ay keentay in wiil kamid ah uu halkaasi ku geeriyoodo,” ayuu yiri wariyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay  “Muran kadib mid kamid ah wiilasha ayaa hub doontay, kadibna uu soo qaatay qoray AK47 ah oo uu adeegsaday dilka”.

Dhanka kale waxaa deegaanka ay mashaqada ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug, kuwaas oo ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedeysanaha oo haatan ku xiran saldhigga degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dilkan ayaa argagax ku reebay dadka deegaanka, madaama ay si lama filaan ah tacsi isugu beddashay xafladdii arooska ee ka socotay halkaasi.

Si kastaba, deegaanada Galmudug ayaa si weyn looga bartay dilalka la xariira aanooyinka qabiil, balse dhacdadaan ayaa ka bedalan, taas oo argagax ku reebtay dadka deegaanka.