Maxay ka wada-hadleen R/W Xamza iyo Danjiraha Indonesia? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare ayaa maanta wada-hadal gaar ah la yeeshay Danjiraha dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.

Kulankan oo ay ra’iisul wasaaraha ku wehlinayeen howlwadeeno ka tirsan xafiikiisa ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac si gaar ah u dul istaageen muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ah oo dhex mara labada waddan.

Dhanka kale, wasiirka arrmaha dibadda, Abshir Cumar Huruuse ayaa isla maanta kulan kan lamid ah la yeeshay safiirka Indonesia, Danjire Dr. Mohamad Hery Saripudin.

Wasiir Huruuse iyo Danjiraha ayaa waxa ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada diblumaasiyadda, ganacsiga, waxbarashada iyo amniga.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa lagu faahfaahiyay muhiimadda kulankan oo sidoo kale lagu soo qaaday fududaynta dalku-galka ( Visa) labada dal.

Sidoo kale waxa ay isla garteen labada mas’uul abuurista fursado ganacsi oo dhex-mara waddamada Soomaaliya iyo Indonesia.

“Waxaan isla garanay muhiimadda ay leedahay abuurista fursado ganacsi oo dhex-mara ganacastada labadeena dal, fududaynta dalku-galka ( Visa) labada dal, iyo inaan iska taageerno golayaasha caalamiga ah, Maadaama dalkeennu dadaal ugu jiro ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka iyo qaadista cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer ina saaran” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-