Banaanbax ka dhacay Boorama iyo dhaawac Isbitaalka weyn la geeyay

Boorama (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in banaanbax balaadhan oo looga soo horjeedo xadhig lagula kacay Suldaan kamid salaadiinta gobolkaasi uu ka dhacay gudaha magaalada Boorama.

Dibad-baxan oo looga soo horjeeday xariga ay Xukuumada Biixi kula kacday Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo kamid ah Salaadinta gobolkaasi, isla markaana dhowaan ku baaqay in bulshada reer Awdal ay ilaashadaan macdanta buurahooda.

Dadweynihii dhigayay Banaanbaxaasi oo si gaar ah uga dhacay xaafada Sisibta ee magaalada Boorama, ayaa waxay si weyn uga xumaayeen xadhigii maalintii shalay aheyd lagula kacay Suldaan Abshir.

Ciidamada Booliiska oo gaadhay goobtaasi ay dadweynuhu ka dhigayeen banaan-baxa ayaa waxay u adeegsanayeen rasaas nool, midaasi oo ay uga dan lahaayeen kala dareerinta dadweynahan ka xumaa xadhiga Suldaanka.

Rasaastii aan meel deyga laheyn ee ciidamadu ridayeen ayaa haleeshay wiil dhalinyaro ah, kaasi oo isla markiiba loola cararay Isbitaalka weyn ee magaalada Boorama, oo hadda lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.

“Wuxuu ila soo hadlay markii ay xabadu ku dhacday anigoo seeraha jooga, waan cararay oo hortey baa la qaaday, waxaana la geeyay isbitaalka Al-xayat, haddana waxaa naloo soo direy Isbitaalka weyn, wuxuuna u baahan yahay qaliin” ayuu yiri Aabaha dhalay wiilka ku dhaawacmay banaanbaxaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amniga iyo Maamulka gobolka Awdal, oo ku aadan banaan-baxaasi sababay dhaawaca wiilka dhalinyara ah kadib markii ciidamadu u adeegsadeen rasaasta nool.