Nabadoonkii labaad oo laga saaray liiska odayaasha soo xulaaya xildhibaanada G/M

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Nabadoonkii labaad oo ka tirsan saxiixe-yaasha Galmudug ayaa waxaa laga saaray liiska Odayaasha Dhaqanka, ee lagu wado inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Iyadoo dorraad liiska Odayaasha Dhaqanka laga saaray Nabadoon Imaan Jimcaale Faarax ayaa waxaa shalayna liiska iska dhex waayay Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed, oo sidoo kale ka mid ahaa saxiixe-yaashii Galmudug.

Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed oo toddobaadkii hore loo xaqiijiyay amaba loo diiwaangeliyay in uu ka mid noqonayo soo xulayaasha Xildhibaanada cusub ayaa ka war helay in laga saaray liiska.

Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Waxaan ka mid ahaa saxiixe-yaashii Galmudug soo dhisay 2015-kii, waxaana la’iga saaray liiska saxiixe-yaasha, waxaad ogeydeen in maalintii dhaweyd ee odayaasha lagu xareynaayay Magaalada Dhuusamareeb, aan ka mid ahaa kuwii la xareeeyay.”

Waxaa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cabdi Maxamed Sabriye uu ku eedeeyay in wixii ay Jubbaland ku diideen ay hadda ku hayaan dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.

“Wasiir Sabriye 6dii iyo 7dii bishan wuxuu noogu khudbadeeyay in saxiixe-yaasha wax aan ahayn la keeni karin, maxaa yeelay wuxuu sheegay in taasi ay ku diideen Jubbaland. Tii ayayna maanta ka wadaan Galmudug.” Ayuu yiri Nabadoon Cabdullaahi Daahir Maxamed.

Waxa kaloo uu yiri “Wasiirka iyo shaqaalaha la keenay Magaalada Dhuusamareeb ballanta ayay nooga baxeen, weliba kala rogaa bannaanka na dhigay, iyagoo hadda xareeyay kuwo aan horey ugu jirin liiska.”

Nabadoonka oo caro laga dhadhansan karay ayaa wuxuu yiri “Cadaaladdii waxay ku bedeleen musuq ay gacanta kula jiraan, afkooda iyo uurkooda isma laha.”

Nabadoon Cabdullaahi Daahir ayaa waxaa lagu soo bedelay nin kale oo ay isu beel yihiin, kaasoo sida uu sheegay ay dowladda u aragtay inuu yahay mid ka shaqayn kara danaheeda, oo aan danta dadka reer Galmudug wadin.

Xilli Magaalada Dhuusamareeb ay ka socoto soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa dhanka kale isa soo taraaya qaylo dhaanta ka soo yeeraysa Odayaasha Dhaqanka.

Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa waxay marar badan ku celceliyeen inay Dowladda Somaliya ka doonayaan inay joojiso fara-gelinta ay ku hayso dhismaha maamulka cusub.

Musuq maasuqa hareeyay bilowga Doorashada Galmudug ayaa si aan qarsoodi lahayn uga muuqata Magaalada Dhuusmaareeb, waxaana taasi lagu macneeyay mid ay dowladda isaga qafiifinayso loolanka adag ee kaga imaanaya Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka. Mucaaradka ayaa daneynaya in ay taageereyaal ku yeeshaan Baarlamaanka xigga ee Galmudug.