Guddidii dhex-dhexaadinta Muuse Biixi iyo Mucaaridka oo soo saaray 3-qodob oo aan la fileyn

Hargeysa (Caasimada Online) –  Guddidii dhex-dhexaadinta Xisbiyda mucaaridka ah iyo Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa goordhoweyd oo maanta ah shaaciyay go’aamo ay ka soo saareen khilaafkii baahsanaa ee Xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka.

Guddidan oo ka koobnaa Madax dhaqameed, Culimaa’udiin iyo weliba ganacsato oo maanta si wada jira ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay qodobo ay usoo jeedinayaan labada dhinac, kana koobnaa saddex qodob.

Guddigan ayaa go’aamada ay soo saareen waxa kamid ahaa in dib loo soo celiyo Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland ee wakhtigoodii dhamaaday, iyadoona la kala dirayo Komishankan cusub ee muranka badan dhaliyay.

Waxa sidoo kale guddigu soo jeediyeen inay xisbiyada Mucaaridka ah ay ixtiraamaan oo qadariyaan oo ku kalsoonaadaan dhamaan Xukuumada Muuse Biixi, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Maxkamadda Sare, iyadoona wax deelqaaf ahna aan loola iman.

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina waxay uga digeen Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid inay joojiyaan ficil iyo hadal kasta oo nabadgal-yada iyo xasiloonida Somaliland waxyeelaya

Hoos ka akhriso war qoraaleed ay guddidu maanta ka hor akhrisay warbaahinta:

“Guddidan oo ah guddidii dhexdhexaadin xukuumada iyo labada xisbi Mucaarid, waxay hawsha bilawday bishii November 21-keedii, waxaanay maanta soo gabogabaysay hawshaa ay ku jirtay ee dhexdhexaadinta iyagoo iskaga dabqaaday, mudo soo noqnoqota ee afar ilaa shan jeer labada dhinac.

Maanta oo ay bishu tahay 16-kii December, waxaanu soo jeedinaynaa hadaanu nahay guddida dhexdhexaadinta qodobadan soo socda;-

1. Guddidii cusbayd ee doorashooyinka in la kala diro, iyaga oo khilaaf la kowsaday.
2. In la soo celiyo guddidii hore ee Komishanka doorashooyinka, Anaga oo ku sababaynay khibrada iyo tababarka ay leeyihiin labadaba in la waafajiyo shuruucda dalka u yaala.
3. Jamhuuriyada Somaliland waxay ku dhisan tahay Fulin, Sharci Dajin iyo Garsoorka, xisbiyada Mucaaridku waa inay ixtiraamaan oo qadariyaan oo ku kalsoonaadaan dhamaan madaxweynaha iyo Wasiiradiisa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Maxkamadda Sare, wax deelqaaf ahna aan loola iman.

Xisbiyada Mucaaridka waxaanu kula talinaynaa inay ka waantoobaan oo ay joojiyaan ficil iyo hadal kasta oo nabadgalyada iyo xasiloonida dalka waxyeelaya”.