Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa goordhow Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka biloowday Banaanbax,kaas oo ay dhigayaan boqolaal Shacab Ah oo ka careysan dilka ka dhacay halkaasi.
Banaanbaxan ayaa yimid kadib markii maanta kaaraan lagu dilay mid kamid ah darawala wadda gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho,iyadoona la sheegay in loo dilay darawalka saddex kun oo shilin soomaali ah markii uu diiday in uu dhiibo.
Dilka ayaa yimid ka dib markii ninka la dilay uu u diiday Askariga in uu siiyo lacag uu weydiistay.
Waxaa la sheegay ninka ku labisnaa dharka Ciidamada in uu weydiistay ninka dhintay shan kun oo shilin Soomaali ah,islamarkaana uu u diiday.
Askariga oo ka carooday lacagta ninkaasi uu waydiistay oo uu siin waayay ayaa la sheegay inuu xabad ku dhuftay darawalkii waday gaariga, kadibna uu halkaasiย ku geeriyooday.
Ninkii xirnaa dharka Ciidanka falkaasi dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay, waxaana goobta hadda gaaray ciidamo Boolis ah oo ka tagay Saldhiga Booliska Kaaraan.
โAskariga Shan kun oo Shiling Somali ah ayuu u dilay wiilka waana ka naxnay arrintaasi, sababtoo ah Shan kun maanta wax la isku dilo maโahan walaahi ninkiina wuu baxsaday ciidamo Boolis ah ayaa hadda gaaray meesha.โ Ayuu yiri qof arkaayay meesha dilka uu ka dhacay.
Meydka Askariga ayaa waxaa la geeyey Saldhiga Booliska degmada Kaaraan,waxana Wararka aan helnay ay sheegayaan in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsadey.
Ma aha wax Cusub in Muqdisho Darawalada Gaadiidka Dadweynaha iyo Mooto Bajaajta lagu dilo,waxana ilaa iyo hadda jirin cid Maxkamad loo soo taagay dilalkaas.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]