Maxaa ka dhaqan galay amarka Farmaajo ee furista jidadka xiran ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin un ka hor Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo amar ku bixiyay in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran, ayaa waxaa iminka bilowday dadaalo lagu doonaayo in dib loogu furo wadooyinka.

Inta badan Isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu bilaabay in dib looga qaado ciidamadii kawaday baaritaanka ee ka tirsanaa xasilinta oo bilihii ugu dambeeyay halkaasi ku sugnaa.

Gaadiid ciidan nooca dagaalka ah ayaa ciidamada looga daadgureynayaa intabadan isgoosyada magaalada Muqdisho oo qaarkood ahaa kuwo u xiran ciidamada, halka qaarna ay ka socdeen baaritaano adag oo lagu dhibaateyn jiray shacabka.

Isgoosyada saaka lag qaadayo ciidamada ayaa waxaa kamid ah Isgoysyadda Warshaddaha, Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Sanco iyo Afarta Jardiino.

Agabka ciidamada ayaa waxaa sidoo kale goobahaasi looga qaadayay gawaaridda Saadka Ciidamada, halka askartuna lagu guraayay gaadiidka dagaalka.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay dhaqangelinta amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la furo wadooyinka xiran.

Dhinaca kale, waxaa muuqata in la furay wadooyinka waa weyn ee Muqdisho laakiin waxaa wali xiran luuqyadda iyo Jidcadayeesha Muqdisho oo ay dadka Shacabka ah dhiban ku qabaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com