Xeer ilaaliyaha qaranka oo shaaciyey in tallaabo laga qaadayo dadka gabdhaha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ku hanjabay inay sharciga la tiigsan doonaan cidii ay ku helaan sameynta gudniinka Fircooniga.

Xeer ilaaliye Axmed Daahir waxa uu sheegay in gudniinka Fircooniga ay kasoo saari doonaan sharciyo adag, iyadoo qofkii jabiyaana uu muteysan doono ciqaab.

“Shaqsiyaadka caadeystay sameynta gudniinka noocaasi ah waxa aanu ka qaadi doonaa talaabo sharci ah cidna ugama baqan doono”

Axmed Daahir, ayaa tilmaamay in gudniinka fircooniga uu dhibaato ku hayo gabdhaha Soomaaliyeed lona baahan yahay in si wadajir ah loogu hortago, iyadoo la adeegsanayo sharciyo.

Isagoo haddalkiisa sii wata ayuu Xeer ilaaliyaha sheegay in talaabo waliba oo lagu hakinaayo gudniinka Fircooniga ay kala hadli doonaan Xukuumada Somalia iyo Baarlamaanka.

Waxa uu xusay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii sharciyadaas loo soo saarayo.

Sidoo kale, waxa uu ku baaqay in laga hortago tacadiyada loo geysanayo gabdhaha Soomaaliyeed oo uu sheegay inay kusii kordheyso dalka.

Geesta kale, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii shalay muqdisho lagu qabtay kulan loogu hadlaayay ka hortaga gudniinka fircooniga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com