Bandow daaran Beledwayne iyo Masuul wayn oo ku wajahan

Warar lagu kalsoonyahay oo Shabakada Caasimada ay ka helayso Aqalka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha uu maanta safar uu ku jiro.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay booqashadiisii ugu horaysay ku tagay magaalada Baydhabo ayaa maanta la filayaa inuu booqdo dadkii Fataahadaha ay ku dhufteen ee ku  nool magaalada Beledweyne.

Madaxda Dowlada ee Gobolka Hiiran ayaa sidoo kale xaqiijiyay Socdaalka madaxwayanaha iyadoo Magaalada Bandow la saaray maanta.

Axmad Cismaan Inji oo ah Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Amaanka Gobolka hiiraan ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan maanta Soo dhawaynta madaxwaynaha.

Kadib Beledwayne Xasan Sheekh waxaa laga yaabaa inuu safarkiisa ku sii dabaqo Garoowe halkaas oo uu kul kulmayo Faroole si uu maalinta beri uu ugu dhawaaqo Ra’iisul Wasaarihiisa.