Bangiga Adduunka oo war farxad leh kasoo saaray deyn cafinta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka oo war kasoo saaray hanaanka deynta Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay u qalanto deyn cafinta

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu Bangiga Adduunka ku bogaadiyay inay gaartay horumar si dalka uu unoqdo mid u qalma in si buuxda looga cafiyo deymaha, iyada oo la raacayo hindisaha waddamada deymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Bangiga Adduunka ayaa waxa uu sheegay in dhowrka bilood ee soo socda uu si dhow ula shaqeyn doono dowladda iyo hay’adda IMF, si ay Soomaaliya uga taageeraan sidii ay u gaari laheyd heerka HIPC ee dhameystirka hanaanka deyn cafinta.

“Deyn cafintu waxay noqon doonto mid muhiim u ah Muqdisho oo gacan ka geysan doonta in dalka loo furo fursado cusub oo maaliyadeed,” ayuu sidoo kale tilmaamay Bangiga Adduunka.

Keith Hansen, oo ah agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Ugand oo hadal ka jeedisay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Word Bank-ga iyo Soomaaliya ay soo wada mareen waddo dheer, islamarkaan xilligaan la gaaray natiijooyin wax ku ool ah.

“Waxaan soo wada marnay waddo dheer, waxaana la gaaray natiijooyin horumarineed oo muhiim ah. Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka waxaa looga baahan yahay inay sii wadan wada-shaqeynta, si loo xaqiijiyo in si deg deg ah loo fuliyo deyn cafinta,” ayuu yiri Keith Hansen.

Wasaaradda maaliyadda aya dhawaan marti-galisay shirka dib-u-eegista waxqabadka shaqo ee dalka oo socday muddo labo maalmood ah, kaasi oo wada-hadallo miro dhal ah ay ku yeesheen Bangiga, madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah DF oo ay ku jiraan qeybaha fulinta mashaariicda.

Kulankaan ayaa kusoo aaday waqti munaasib ah oo dalka uu udhaqaaqay dhanka dhameystirka deyn cafinta, sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka.

Soomaaliya ayaa sanado badan dadaal ugu jirtay deyn cafinta dalka, waxaana barbar socda qorshe ay dowladda ku qaadaneyso deyn kale oo balaayiin doollar ah, si uu dalka u gaaro isku filnaasho dhaqaale.