Magacyada 75 shirkad oo tartanka adeegga Xajka ee sanadkaan ku guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa shaaciyay in 75 shirkadood ay ku guuleysteen tartanka adeega Xajka, kuwaasi oo kasoo dhex baxay 142 shirkad oo wareega koowaad u gudbay.

Liiska shirkadaha ee uu soo saaray guddiga ayaa waxaa safka hore kaga jiray shirkadaha kala ah Al-Qurdubah Travel Agency Haj & Omrah, Hami Travel, Al-Tawafuq Hajj & Umrah Travel Agency, Hage Travel Agency, Anfal Tours & Travel Limited, Laanjo Air Travel Agency, Best Fly Travel Agency, Safari Travel Agency iyo Ritaj Al-Hayat Travel & Tourism Agency

Guddiga ayaa meesha ka saaray eedeymo loo jeediyay oo la xiriiray xulista shirkadaha soo xareystay tartanka adeegga Xajka ee sanadkaan, iyaga oo sheegay in guddiga uu ku shaqeeyay habraacii loogu tala-galay tartanka wareegyadiisa kala duwan.

“Guddigu waxa uu mid mid u dul istaagay una baaray dhamaan galalkii iyo waraaqihii (Documents) kala duwanaa ee tartamayaashu soo gudbiyeen, arrinkaas oo sababay inay guddigu waqti aad u dheer oo maalin iyo habeenba leh ay shaqeeyaan, taas oo ay ka dhasheen guulo ay mireheeda u aayaan Ummadda Soomaaliyeed.”

Sida uu shaaciyay guddigu shirkadaha haray ayaa waxay iskugu jiraan Shirkado, Xamlado aan soo dhameystirin shuruudihii laga rabay iyo Shirkado, Xamlado soo gudbiyay xog iyo waraaqo aan sax ahayn, iyo kuwo ku haray imtixaankii iyo wareysigii tooska ahaa (interview).

“Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 shirkadaha guulaystay wuxuu u kala qeybiyay darajooyinka kala ah; A, B, C. Kadib natiijads imtixaanka la hordhigay.”

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inuu soo saari doono qiimaha Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1444/2023, si meesha looga saaro cabashooyinka soo laab-laabtay.

“Qarashka lagu xajin doono sanadkan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sameyn doonta daraasad deg deg ah, iyada ayaana wareegto kusoo saari doonta qiimaha sanadkaan lagu xaji doono Inshaa’Allah.”

Guddiga ayaa intii uu waday kala xulista shirkadaha soo xareystay tartanka adeega Xajka, waxa uu shaaciyay in qaarkood ay kusoo xareysteen tartanka dukumintiyo been abuur ah, sida Shati aan jirin oo loo eekeysiyay mid shaqeynaya oo sax ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale bilaabay baaris la xiriirta shirkadahaasi ku eedeysan inay sameysteen dukumintiyo been abuur ah, si ay uga qayb-galaan tartankii loogu jiray Xajka.

“Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa uu baaris ku hayaa shirkado ku eedeysan been abuur dukuminti, kuwaas oo dukumintiyada dowladda si been ah abuur ah u sameystay ayaga oo ujeedadoodu aheyd ka qayb-galka tartanka loogu jiray barnaamijka Xajka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa intaasi ku daray in shirkadahaasi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ayada oo lagula xisaabtami doono falka ay sameeyeen.

Sidoo kale waxa uu diginiin u diray dhamman shirkadaha iyo shaqsiyaadka isku-daya sameynta been abuurka dukunmintiyada noocyadooda kala duwan.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga;