Trump oo si rasmi dacwad loogu soo oogay iyo goorta maxkamadda la gaynayo

New York (Caasimada Online) – Xeer-beegtida New York ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, sababo la xiriira lacag aamusin ah oo la siiyey gabar jisha aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016.

Tallaabada ay qaadeen xeer-beegtida ayaa Trump ka dhigeysa madaxweynihii ugu horreeyey ee hore ee Mareykan ah ee wajaha dacwado dambi.

Dacwad-oogistan taariikhiga ah ee 76 jirkan Jamhuuriga – oo beeniyey inuu wax khalad ah sameeyey – ayaa waxaa hubanti ah inay curyaamin doonto isku dayga uu dib ugu hananayo Aqalka Cad. 

Qareenka Trump Susan Necheles ayaa sheegtay in Trump maxkamadda la horgeyn doono Talaadada toddobaadka soo socda.

Xafiiska dacwad-oogaha degmada Manhattan Alvin Bragg ayaa xaqiijiyey inay qareenada Trump la xiriireen Khamiistii “si ay ugala shaqeeyaan isa soo dhiibistiisa” markaasi oo qodobada dacwadda shaaci laga qaadi doono. 

Trump ayaa dacwadda ugu gacan sayray inay tahay “maxkamadeyn siyaasadeed iyo faro-gelin doorasho,” isaga oo caro kala dul dhacay dacwad-oogayaasha iyo mucaaradkiisa Xisbiga Dimoqraadiga, wuxuuna wacad ku maray in tani ay dib ugu soo laaban doono madaxweyne Joe Biden. 

Isa soo dhiibista Trump, iyo suurta-galnimada ah in dacwadaha ay noqdaan illaa 30 qodob oo la xiriira wax is-daba marin ganacsi, ayaa ka dhigan in faro laga qaadi doono, loo sawiri doono sida maxaabiista, islamarkaana la jeebeyn doono, sida uu sheegay taleefishinka CNN. 

Xulufada Trump iyo wiilashiisa ayaa cambaareeyey tallaabadan oo ay sheegeen in looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo ololihiisa 2024, halka la loolamahiisa ugu weyn ee Jmahuuriga, barasaabka Florida Ron DeSantis uu dacwad-oogista ugu yeeray “mid aan Mareykan aheyn.”

Afhayeenka Aqalka Wakiilada Kevin McCarthy, oo ah mas’uulka ugu sarreeya xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in dacwad-oogista “ay si aan dib loo dayac-tiri karin u waxyeeleysay” dalka.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka, lana filayo inuu kula tartamo doorashada 2024 Mike Pence ayaa ugu yeeray “mid laga caroordo” oo ka shaqeyn doonto kaliya “inay sii kala qeybsio” Mareykanka.  

Dacwadda kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah $130,000 oo toddobaadyo kahor doorashadii 2016 la siiyey gabar jisha aflaanta galmada oo lagu magacaabo Stormy Daniels, si looga joojiyo inay shaaciso galmo ay sheegtay inay la sameysay Trump, toban sano kahor.

Qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen, oo kahor marqaati furay xeer beegtida ayaa Congress-ka u sheegay 2019-kii inuu bixiyey lacagta isaga oo ka wakiil ah Trump, kadib dib loogu soo celiyey.