Sawirro: Guddiga Axmed Madoobe ee Baardheere oo golaha wasiirada horgeeyay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddigii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ee gurmadka fatahaada degmada Baardheere ayaa hortegay kulankii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Kulanka golaha oo uu shir-guddoomiyay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa warbixin lagaga dhagaystay guddiga gurmadka fatahaada degmada Baardheere oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka jireen daadad ku fatahay, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay dadweynaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa golaha warbixin la xiriira xaalada amniga guud ee Jubbaland looga dhagaystay Wasaarada Amniga oo ka warbixisay howl-galo ay sameeyeen ciidamada hay’adaha amaanka todobaadkii lasoo dhaafay.

Howl-galadaasi ayay sheegtay wasaaradda amniga maamulka Jubbaland in lagu dilay xubno ka tirsan kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, waxaa golahu uu akhrintii labaad marsiiyay sharciga dhismaha hay’ada wadooyinka Jubaland oo ay soo gudbisay wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska, islamarkana qeybo kamid ah sharcigan wax ka badal ay golahu ku sameeyeen.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan magacaabay guddiga gurmadka fatahaadda degmada Baardheere, xilli ay halkaasi ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Baardheere ayaa waxaa ku dhuftay daadad xoogan oo sababay burbur, dhimasho iyo barakac horleh, kadib markii dadka deegaanka deegaankaasi ay soo food-saartay xaalad nololeed oo adag.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa loo igmaday ka shaqeynta sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka musiibadan ay saamaysay.

Waa markii labaad ee fatahaada wabiga Jubba ay saameyn xoogan u geysato dadka ku nool degmada Baardheere iyo deegaanada hoosyimaada.

Xaaladda adag ee ka taagan degmada ayaa sidoo kale waxaa ku barakacay kumanaan qoys, ayada oo ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 20 qof.