Bangiga Afrika oo hal arrin ku amaanay DF + Sawirro

Dakar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina oo kulan gaar ah magaalada Dakar ee dalka Senegal kula yeeshay Wasiirka Maaaliyadda dowlada Somalia ayaa ku amaanay horumarka ay ka sameeyeen deyn cafinta.

Ugu horreyn wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Dr. Akinwumi Adesina warbixin ka siiyay xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliyam horumarka laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo sidoo kale  kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn dowladda dederaalka Soomaaliya ka sameysay.

Dr. Cilmi Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw, taas oo fursad u siineyso helida maal-gashi caalami ah.

Dhankiisa Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina oo ka hadlay madasha ayaa ku bogaadiyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay horumar wayn ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka.

Dr. Akinwumi Adesinaa ayaa shaaciyay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw.

Madaxweynaha ayaa intaasi kusii daray in dowladda Soomaaliya ku taageri doonaan mashariicda dheeraadka ah Deeqaha Bangiga ugu talagalay Soomaaliya ka baxsan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa marka laga wada cafiyo deymaha waxay u baahan tahay, sida kordhinta dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.