Wasiir Khadiija oo farta ku fiiqday dhibaato kale oo Al-Shabaab ku hayso dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi oo ka hadashay dagaalka Al-Shabaab ayaa iftiimisay in dhibaatada Shabaab aysan ku koobneyn dadka hadda nool oo kaliya, balse ay mustaqbal la’aan dhigeyso Jiilalka soo socda.

“Al-Shabaab waxay 15-kii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab jartay mallaayiin geed oo ay dhuxul u bedeleen si ay uga ganacsadaan, una dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu maal-geliyaan dagaalada iyo qaraxyada ay ku dilaan dadka,” ayey tiri Khadiija Al-Makhzoumi.

Waxay sheegtay in arrintaan ay ku kacday Al-Shabaab ay dhul badan ka dhigtay lama degaan, kuwaasi oo markii hore ahaa kaymo iyo dhul-beereed.

“Tallaabadan waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore ahaa Keymo, Dhul-daaqsin iyo Dhul-beereed, laf-dhabarna u ahaa wax soo saar dalka.”

Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dadka iyo deegaanka.

Al-Shabaab oo sanado badan dhibaatooyin kala duwan ugeystay bulshada Soomaaliyeed, ayaa hadda wuxuu dagaal xoogan kaga socdo qeybo badan oo dalka, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.