Bankiga Puntland oo gabi ahaan lala wareegay goor dhow

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in ciidamo aad u gaashaman oo ka tirsan Puntland ay si buuxda ula wareegen Bangiga Dhexe ee maamulka.

Ciidamadaani la wareegay Bangiga ayaa waxaa la sheegay inay wateen dhowr gaari nooca dagaalka ah, kuwaasi oo kala eryay shaqaalaha.

Ciidamada ayaa shaqaalaha ku amray inay albaabada u laaban Bangiga, waxa ayna sidoo kale kala eryeen macaamiil farabadan.

Ciidamadaani ayaa aad uga cabanaayay Mushaar la’aan waxa ayna ka hor imaaden in Bangiga laga saaro dhaqaale iyadoo aan xuquuqdooda lasiin.

Ciidamadaani ayaa waxaa goobta kula hadlay Taliyaha Ciidamadda Booliska Puntland iyo Saraakiil kale oo ka tirsan maamulka ayaa iminka xal ugu jira sida ciidamadaani looga qaadi lahaa Bangiga.

Maamulka Puntland ayaa noqonaaya maamulka ugu badan oo ay ka caroodan ciidamada amaanka kadib markii madaxda maamulka lagu eedeeyay inay is dabamariyaan dhaqaalaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com