Shaki cusub: Maxaa keenay Laba-Afleynta Xeer-Ilaaliyaha ee arrinta badda (Daawo)

Hague (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo ahaa mas’;uulkii hogaaminayay Dacwada Soomaaliya ee Kiiska Badda ayaa laga dareemay isbedel iyo haddallo is khilaafsan intii ay dacwada ka socotay Maxkamadda Cadaaladda ee magaalada Hague.

Xeer ilaaliyaha oo xilkiisii bandhigga dacwadda u xil saaray Muna Sharmaan Qareenada Soomaaliyeed, oo aan sida dhigiisa dalka Kenya wax dood jeedin ah ka jeedin Maxkamadda ayaa dhinaca kale wareysiyo iyo qaabilaadyo fara badan ku faratay saxaafadda Soomaalida.

Axmed Cali Daahir wuxuu dhaliyay shaki badan, wuxuuna noqday mid cid kasta ay daliishato wareysiyada laga qaaday iyo wararkiisa is burinaya ee ku saabsan Kiiska Badda Soomaaliya iyo Kenya isku hayaan.

Wuxuu dhibaatadda oo dhan iyo muranka la geliyay Badda Soomaaliya dushada u saaran heshiiskii is fahamka ahaa ee MOU ay saxiixday dowladda KMG ahayd, mar kale ayuu haddana wareysi ku sheegay in Kenya ay dhibaatada wado o heshiiska MOU au si khaldsan u fasiratay, wuxuuse ka sii daray markii uu sheegay in MOU-da lala galay Kenya ay wax weyn u soo celisay Soomaaliya oo ay tahay in looga mahad celiyo siyaasiyiintii saxiixay.

Arrimahaas oo jira ayaa lasoo weriyey inuu si aan hore loo qorsheyn socdaal u aaday dalka Norway oo ah dalka loo aaneynayo inuu Soomaaliya u horseeday arrinta muranka Badda ah ee ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya.

Wareysiga hore ee waxaa Axmed Cali Daahir ka qaaday (Wareysi Colaad VOA)

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/09/xeer1.mp3″]

Wareysiga danba oo maalintii labaad ah waxaa Axmed Cali Daahir (Wareysi Xuseen Barre VOA)

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/09/xeer2.mp3″]

Muuqaalka soo socda wuxuu Axmed Cali Daahir ku sheegayaa in heshiiska MOU uu badbaadiyay Badda Soomaaliyeed.

Marka arrimahan oo dhan la isku soo xooriyo waxay muujineysaa in xeer ilaaliyahan ay fari ku godan tahay, isagoo weliba kasoo bixi waayay howshii uu qaranka Soomaaliyeed u hayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com