6 Qodob oo sabab u noqday in Kenya ay weyso badda Somalia ee ay sheeganeyso

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa durba walaac ka muujisay cadaasi kaga imaaday dhanka Maxkamadda Cadaalada Caalamiga ah ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee Dalka Holland.

Saraakiisha ugu sareysa Maxkamada ICJ, ayaa dowlada Kenya ku wargalisay inaanu sameynkari dhaqdhaqaaq ku aadan amuuraha la xiriira dacwada Badda Somalia, inta laga gaarayo go’aan rasmi ah.

Maxkamada ICJ, waxa ay dowlada Kenya ku amartay inay faraha kala baxdo shaqooyinka ay kawado xaduudka Badda labada dal oo ay kawadaan shaqooyinka, iyadoo ku goodisay inay la kulmi doonto kiisas hor leh waa haddii ay faragalin sameyso inta natiijo laga soo saaray Muranka.

Dowlada Kenya ayaa ku fashilantay xadgudubkii ay ku raadineysay Badda Somalia, waxaana soo baxaaya warar horudhac ah oo sheegaya in Kenya lagu wargaliyay inay ku fashilantay qorshihii ay ku damceysay Badda Somalia.

Fashilka Dowlada Kenya ka heysta lahaanshiyaha Badda Somalia ayaa waxaa u horseeday dhowr qodob oo ay kamid yihiin:

1-Cadeymo la’aan soo foodsaartay: Dowlada Kenya ayaa waxa ay la imaan weysay cadeymo rasmi ah oo muujinkara inay leedahay qeybaha ay ka sheeganeyso Badda Somalia.

2-Dukumiintiyo Been abuur ah: Dowlada Kenya ayaa Maxkamada ICJ la hortagtay Dukumiintiyo been abuur ah, oo qaarkood la dulsaaray Saxiixyo iyo Tiinbarayaal aan sax aheyn.

3-Waddahadal been ah oo ay ballanqaado: Dowlada Kenya tan iyo markii laga gudbiyay dacwada Badda, waxa ay Saxaafada ka shaacineysay inay fureyso waddahadal gaar ah oo ay dowlada Somalia kala yeelan doonto arrimaha Badda Somalia.

4-Dhagar la Qarameeyay: Dowlada Kenya mudada ay ka qeybqaadaneysay dhageysiga dacwada ka furneyd Maxkamada ICJ waxa ay Somalia u maleegeysay dibin-daabooyin la Qarameeyay, iyadoo hal ku dhig ka dhiganeysay in qodob waliba oo la xiriira muranka kala hadli doonta Somalia.

5-Kenya oo yastay awooda Maxkamada ICJ: Inta ay soctay dhageysiga Dacawda waxa ay dowlada Kenya waxkama jiraan ku sheegtay awooda ICJ, waxa ayna taasi sabab u noqotay in Kenya ay cagta dhigto Fashil.

6-Qareenada Kenya u matalaayay Dacwada oo aan kaalintooda qaadan: Qareenada u doodaayay dowlada Kenya waxa ay gabeen dhammaan kaalimihii kaga aadanaa difaaca Kenya, kadib markii ay waayen warqado cadeyn ah oo looga baahnaa Kenya.

Docda kale, Dowlada Kenya ayaa iminka rajo xumi ka muujineysa Kiiska Dacwada ee laga filaayo Natiijo lagu qanci doona.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com