Xog: Sheekh Shariif oo si cad u diiday dalab uga yimid DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xubno ka tirsan Guddiga ololaha u qaabilsan Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa inoo xaqiijiyay in Shariif uu diiday codsi kaga imaaday dhanka dowlada.

Xubnaha aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegay in dowlada Somalia, ay dalbatay inay ciidamo kale kusoo biiriso kuwa qaabilsan ilaalinta amniga Sheekh Shariif.

Xubnahaani waxa ay sheegen in Dowladu ay ku andacootay in ciidamada ilaalada u ah Musharax Sheekh Shariif ay yihiin kuwo hal dhinac u badan, isla markaana qaarkood aan u diiwaan gishneyn dowlada.

Dowladu waxa ay sidoo kale sheegtay inay mas’uuliyad ka saaran tahay la socodka xaalada Musharax Sheekh Shariif, sidaa darteedna aan laga maarmi karin in ciidamo gaar ah ay kusoo biiriso ilaaladiisa.

Sidoo kale, Sheekh Shariif oo jawi cabsi leh ku jira ayaa isna ka biya diiday dalabka kaga imaaday dhanka dowlada waxa uuna sheegay inuu isku filan yahay isla markaana uusan u baahneyn in ilaaladiisa lagu soo biiriyo kuwo kale.

Docda kale, Sheekh Shariif ayaa magaalada Muqdisho ku sugnaan doona muddo kooban waxaana lagu wadaa inuu gali doono safar si uu usoo afmeero howlihiisa ololo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com