Villa Somalia oo fashilisay qorsho aan caadi aheyn oo ay damacsanaayen gudiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Guddiga doorashada dadban ee heer federal ayaa sheegaya in goordhow halkaasi leysugu yeeray Saxaafada si Guddiga ay u turxan bixiyaan dib u dhaca ku imaaday Jadwalka Doorashada.

Guddiga ayaa la sheegay in wakhti danbo ay kala direen Saxafiyiinta kadib markii la sheegay in lagala soo hadlay Madaxtooyada, sababo wicitaankaasi la xiriira ay u kala direen Saxaafada.

Ujeedka Guddiga ayaa ahaa inay turxan bixiyaan sababta ay doorashada u dib dhacday, hayeeshee waxaa la sheegay inay is hortaag ku sameysay Madaxtooyada in laga hadlo arrinkaasi la xiriira doorashada.

Guddiga ayaa laga filaayay inay soo bandhigaan caqabadaha hortaagan in doorashada dalka la qabto.

Dowlada Somalia ayaa markii labaad dib u dhacday, waxaana loo sababeynayaa Maamul xumi soo foodsaartay DFS iyo Guddiga doorashooyinka.

Madaxtooyada Somalia weli kama aysan hadal go’aanka dib loogu dhigaayo doorashada, waxaana sidoo kale lasoo warinayaa in doorashada Madaxweyninimo ay muddo bil ah dib uga sii dhacday xiligii loogu tallo galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com