Xasa Sheekh oo war raali-gelin ah ka qoray Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal raali gelin u muuqda oo aan wax munaasbad ah lahayn kaasoo lagu amaanayo dowladda Imaaraadka Carabta.

Xasan Sheekh oo xilka ka dhammaaday ayaa dhowaan ka hadlay heshiis shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay la gashay maamulka Somaliland kuna saabsanaa maamulka dekadda Berbera oo sharci darro ku tilmaamay ayaa maalmo yar kadib waxaa xigay inuu ka soo baxay warkan.

Qoraalka ay baahisay madaxtooyada ayaa lagu bogaadin sida aadka ahna loogu amaanayo Imaaraadka Carabta oo luqado dhowr ah lagu qoray laguna faafiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud  ayaa sheegay in Dwaladda Imaaraadka Carabta ay kaalin mug leh ka qaadato dib u dhiska Soomaaliya.

Bayaan laga soo saaray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dalka isutagga Imaaraadka Carabta uu yahay dal saaxib dhaw la ah Soomaaliya mar kastana u taagan gacansiinta shacabka Soomaaliya horayna uga qeyb qaadatay taageeradooda ee arrimaha bni’adnimada la xiriirta

Madaxweyne Xasan wuxuu cdeeyay in Dawladda iyo Shacabka Soomaaliya ay  aad u qadarinayaan kaalmada aan shuruudda ku xirneyn oo ay Xukuumdda Imaaraadka u fidiso Soomaalia siiba dhinacyada Arrimaha Bulshada ,wuxuuna xusay in labada dal ay wadaagaan arrimo badan uunaka dhaxeeyo iskaashi dhinacyo badan leh siiba Ganacsiga iyo xiriir Taariikhi ah ah ee soo jireen ah.

Madaxwynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud  oo ah musharax u taagan mar labad hanashada xilka Madaxweyninimo ayaa ballanqaaday hadii uu mar kale madaxtinimada dalka Soomaaliya  ku soo laabto uu sii xoojin doono CilaaqaadkaSoomaaliya iyo Imaaradka ee dhinacyad badan leh uuna gaarsiin doono  meesha ugu sareysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com