Feysal Cali Warabe oo shaaciyey cidda Somalia ay ka dagi la’dahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Beesha Caalamka ay shaaca ka qaaday inay go’aan ka qaadan doonto doorashada Somaliland, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe.

Feysal Cali, ayaa sheegay in Beesha Caalamku ay caqabad ku tahay xasiloonida Somalia, waxa uuna sheegay in Beeshu aysan awood u laheyn inay faragalin ku sameyso doorashooyinka Somaliland.

Feysal Cali waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay faragalinada ay Beesha Caalamka ku heyso guud ahaan Somalia, waxa uuna farta ku goday inaanu dhici doonin in Somaliland la faragaliyo.

Feysal waxa uu intaa ku daray inay ku dadaalayaan sidii Deegaanada maamulka ay ugu dhici lahaayeen Doorashooyin lagu wada qanacsan yahay.

Doorashooyinka Somaliland ayuu sheegay inaysan faraha la gali doonin xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan ay ka dhacaan doorashooyin kuwaasi oo ay ku loolamayaan Xubno kala taabacsan Axsaabta maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com