Bankiga Dhexe ee Somalia oo helay abaal marin caalami ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay abaalmarin caalami ah oo ay bixiso hay’adda Central Banking, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka bangiga dhexe.

Qoraalka kasoo baxay Bangiga Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in abaalmarintan uu ku muteystay horumarka uu ka sameeyay dib-u-habaynta kaabayaasha maaliyadda ee dalka, gaar ahaan hirgelinta hanaanka lacag-bixinta Qaranka, oo isku xira dhamaan bangiyada dalka oo dhan.

Hanaanka lacag bixinta Qaran waxaa si buuxda loo hirgeliyay sanadkii 2022-kii.

Abaalmarinta ayaa waxa uu Bangiga Dhexe ku tilmaamay aqoonsi weyn oo ka tarjumaya dadaalka iyo howl-karnimada ay muujiyeen hawl-wadeenada iyo maamulka, oo horumar la taaban karo ka gaaray dib-u-dhiska hanaanka maaliyadeed ee dalka.

“Waa guul weyn oo usoo hooyatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka uu soo saaray Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka mahad-celiyay guddida abaalmarinta hay’adda Central Banking, ee u gartay abaalmarinta kadib markii ay qiimeyn la xiriirta hal-abuurka kaabayaasha lacag-bixinta ku sameeyeen Bangiyada Dhexe ee caalamk.a

“Abaalmarintan caalamiga ah waxay caddayn u tahay horumarka uu Bankiga Dhexe ka sameeyay dib-u-dhiska kaabayaasha maaliyadda ee dalka. Waxaan rajeynaynaa in guushani ay kor u qaadi doonto kalsoonida bangiyada addduunka ay ku qabaan hannaanka maaliyadda Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Tani waxay horseedi doonta in bangiyadeenu la-macaamilaan kuwa caalamka oo ay sannado badan caqabado ka haysteen.”

War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xasillonida hanaanka maaliyadda iyo koboca dhaqaalaha dalka.