R/W Cabdi Weli oo lagula talliyay inuu sida Khaliif Ereg usoo xusho wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo wasiirka amniga qaranka, Khaliif Axmed Irig iyo howgallada ciidamada iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay, kaasoo la xiriira hub ka dhigis lagu sameeyo hoggaamiye kooxeedyada magaalada ka dhisan.

Bannaanbaxa oo ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin maamulka gobalka Banaadir ka tirsan iyo ururka qaranka haweenka.

Dhammaan dadka ka hadlay bannaanbaxa ayaa tallaabo horrumar leh ku tilmaamay howgallada ciidamada dowladda ay maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen degmooyinka gobalka Banaadir.

“Nabad baan u soo baxnay, waxaan dooneynaa dowladda in ay na hor kacdo annagana aan daba socono,waxaan taageerayaa wasiirka amniga Khaliif Axmed Irig oo intii uu xafiiska joogay sameeyay isbadal xagga ammaanka oo magaalada laga dareemay” ayey tiri hooyo ka qeybgashay dibadbaxa.

Canab Maxamed Cosoble oo ah xoghayaha ururka qaranka haweenka Soomaaliyeed ayaa goobta ka sheegtay in raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay sidda uu wasaaradda ammaanka ugu xushay Khaliif Axmed Irig oo ah qof khabiir ku ah arrimaha ammaanka in sidaas oo kale uu ugu xusho wasaaradaha kale.

Si kastaba, maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay howgallo lagu soo qabqabtay hub iyo maleeshiyaad daacad u ah qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada magaalada ugu tunka weynaa, waxaana ka mid ah Axmed Daaci oo horrey guddoomiye degmo u soo noqday.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallada ka billowday magaalada uusan la xiriirin beegsiga shaqsiyaad gaar ah balse uu yahay mid guud oo lagu doonayo xaqiijinta ammaanka caasimada.

Madaxda dowladda ayaa horrey u soo dhaweeyay howgallada magaalada ka billowday gaar ahaan waxay ammaaneen wasiirka amniga Khaliif Axmed Irig.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com