Puntland oo ciidamo badan laga laayey

Boosaaso (Caasimada Online) – Abaare saakay 8-dii subaxnimo ayaa maleeshiyaad hubeysan waxay toogteen labo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugnaa deeganka Isku shuban ee Puntland.

Weerarka ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay wiil dhallinyaro ah oo la socday isimo ku howlanaa xallinta colaad ka dhelatay kooxo dhuxul ka shidayay Isku shuban iyo dadka deeganka.

Taliyaha booliska qeybta Bari, Korneel Cabdixakiim Yuusuf Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka dilay labada askari ay geesteen kooxo hubeysan oo halkaas saldhig ku leh kuwaasoo ka yimid gobalka Karkaar.

Taliyaha wuxuu kaloo sheegay in dhaawaca loo qaaday magaalada Xiriiro halka meydkiina galabta lagu aasi doono degmada Isku shuban.

Taliyaha qeybta gobalka Bari ayaa beeniyay wararka sheegaya in magaalada ay hareersan tahay iyaguna ay go’doon ku jiraan, wuxuu sheegay oo kale in maleeshiyaadka weerarka geestay in ay cabsanayaan oo ay magaalada ku jiraan.

Ugu dambeyn taliyaha wuxuu xusay in ay awood u lee yihiin in ay soo qabtaan maleeshiyaadka dilka u geestay ciidamada booliska balse aaney weli amar ka heesan dowladda Puntland.

Si kastaba, dhacdadan ayaa ka dhigtay degmada Iskushuban ee Puntland mid aad looga hadal hayo.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii dadka deeganka iyo maleeshiyaad doonaya in ay dhuxul ka shidaan Iskushuban ay isku dhaceyn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com